Al-Sisi oo booqashadiisii ugu horeysay ku tagay Qadar

Image
Dooxa iyo Qaahira ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed bishii Janaayo 2021.

DOOXA, Qadar - Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu ka dagay magaalada Doha ee dalka Qatar, waana booqashadiisii ​​ugu horeysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2014-kii.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Masar ee MENA, al-Sisi ayaa ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Hamad ee caasimada dalka Qatar ee Dooxa, waxaana ku qaabilay Amiir Tamim bin Hamad Al Thani.

Booqashadan oo qaadan doonta laba maalmood ayaa wakaaladda MENA waxay sheegtay in laga wada-hadli doono arrimaha gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Masar iyo Qatar ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed bishii Janaayo 2021 ka dib markii ay heshiis dib u heshiisiin ah ku kala saxiixdeen Al-Ula, Sacuudi Carabiya, kaasoo hoos u dhigay daaha xiisadda Khaliijka ee soo ifbaxday xagaagii 2017.

Sanadkii 2017, Masar, oo ay weheliyaan Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, waxay jareen xiriirkii diblomaasiyadeed, ganacsi iyo safar ee Qatar, ka dib markii ay Doha ku eedeeyeen inay faragelin ku hayso arrimahooda gudaha iyo inay taageerto "argagixisada" gobolka.

Xukuumadda Doha ayaa beenisay sheegashadaas, waxayna, dhanka kale ku eedeysay isla dowladahaas inay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan go’doomiyeen Qatar.

Ka dib markii dib loo soo celiyay xiriirka diblumaasiyadeed sanadkii hore, dowladaha Qatar iyo Masar waxay is-dhaafsadeen booqashooyin iyo heshiisyo laba geesood ah.

Tan waxaa ka mid ahaa in la qaado tillaabooyin diblumaasiyadeed oo ay kamid tahay dib u magacaabida safiirada labada dhinac iyo hawlgalinta duulimaadyada tooska ah ee Masar iyo Qatar markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2017-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM