Muxuu Yahay Culeyska Dhaqaale ee Sacuudiga iyo Qatar ka Dulqaadeen Dalka Syria?
(GO) - Sacuuudi Carabiya iyo Qatar ayaa ku dhawaaqay in ay bixin doonaan $15 milyan oo ah deynta Syria ku lahayd Bangiga Adduunka, tallaabadan oo fure u noqonaysa in la fasaxo malaayiin doolar oo gargaar ah, isla markaana kor u qaadaysa dadaallada dowladda cusub ee Syria ugu jirto dib u dhiska dhaqaalaha burburay ee dalkaas kadib dagaal sokeeye oo dheer.
Lacagtan la bixiyay ayaa Bangiga Adduunka u suurtagelin doonta in uu dib u bilaabo taageeradii iyo mashaariicdii uu ka waday Syria, kuwaas oo hakad galay muddo ka badan 14 sano. Sidoo kale, waxay dowladda cusub ee Syria siinaysaa fursad ay ku hesho maalgelin iyo taageero farsamo si dib loogu dhiso hay’adaha dowliga ah iyo in la dedejiyo horumarka dalka, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Sacuudiga iyo Qatar.
Dowladda Syria oo xarunteedu tahay magaalada Dimishiq ayaa muujisay “dareen farxadeed ” oo ku aaddan talaabadan, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Syria sheegtay in tani ay “furayso albaab cusub oo lagu xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca dib u soo kabashada iyo dib u dhiska.”
Inkasta oo taageeradan ay tahay talaabo weyn, haddana dowladda cusub ee Syria ayaa weli wajahaysa caqabado adag oo la xiriira dib u dhiska dalka kadib dagaalkii socday ku dhawaad 14 sano oo sababay in Bashar al-Assad xilka laga tuuro bishii December. Dagaalkaasi waxa uu si weyn u dumiyay dhaqaalihii dalka, warshado badan ayaa burburay, kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa la dumiyey, waxaana maanta in ka badan 90% shacabka Syria ay ku nool yihiin faqri, halka qiyaastii 1 qof oo 4-tii qofba uu shaqo la’aan yahay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Qiimaha lacagta Syria ayaa si xun u dhacay, iyadoo horraantii dagaalka halkii doolar uu u dhigmay 50 Syrian pounds, halka maanta uu gaaray ilaa 15,000 pounds hal doolar kadib markii xukunka Assad uu dhacay.
Go’aanka Sacuudiga iyo Qatar ee lagu bixiyay deynta Syria ayaa lagu gaaray shirar gaar ah oo dhinaca ah intii uu socday kulanka Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ee bishan ka dhacay magaalada Washington.
Bayaanka laga soo saaray kulankaas, oo ay wada saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga, Maamulaha Guud ee IMF iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu “fursad siiyay mas’uuliyiinta Syria inay soo bandhigaan dadaalladooda ku aaddan xasilinta iyo dib u dhiska dalka, yareynta saboolnimada, iyo gaadhista horumar dhaqaale oo waara.”
Bayaanka waxa lagu daray: “Waxaa jiray qirasho ballaaran oo ku saabsan caqabadaha degdegga ah ee dhaqaale ee Syria heysta iyo ballanqaad wadajir ah oo lagu taageerayo dadaallada dowladda ee dhinacyada dib u soo kabashada iyo horumarka.”
GAROWE ONLINE