Natiijada baaritaan uu maray hogaamiyaha Ukraine oo la shaaciyey

Image
Hubinta lagu sameeyay xaaladda Volodymyr Zelensky ayaa timid markii uu galay shil gaari.

KYIV, Ukraine - Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa galay shil baabuur, sidda uu warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas uu u xaqiijiyey afhayeenkiisa gaarka ah.

"Baabuur rakaab ah ayaa ku dhacay gaarigii madaxtooyada iyo dadkii la socday oo ku sugnaa gudaha caasimadda Kyiv," ayuu war-saxaafadeed uu soo saarey ku yiri Sergii Nykyforov.

Bayaanka oo ahaa mid kooban oo aysan la socon tafaasiil fahfaahsan oo dheeraad ah ayaa la raaciyey: “Madaxweynaha waxaa baaray dhakhtar, wax dhaawac ah oo halis ah lagama helin".

"Waxaana goobta lagu daweeyay Darawalkii waday Gaariga ay isku dhaceen Mootada, waxaana lagu qaaday Gaari Ambalaas ah," ayuu sii raaciyey afhayeenka madaxweynaha.

Mr Nykyforov ayaa sheegay in dhammaan xaaladihii shilka gaadiidka ay baarayeen saraakiisha sharci fulinta. Faah faahin intaas dhaafsiisan ma uusan bixin.

Tani waxay timid ka dib markii madaxweyne Zelensky, 44-sano jir ah, uu booqday magaalada dib loo qabsaday ee Izyum, oo ah xudunta muhiimka ah ee saadka ee waqooyi-bari Ukraine, Arbacadii.

Zelensky wuxuu u mahadceliyay ciidamadii ka qeyb qaatay weerar rogaal celis ah oo deg deg ah oo lagu qaaday "gumeystaha Ruushka, wuxuuna kormeeray goob calan laga taagayay".

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dalka Ukraine ayaa dib u qabsaday qeybo badan oo ka mid ah dhulkii ay la wareegeen ciidanka Ruushka, taasoo ku qasabtay ciidamada Ruushka inay dib u gurtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM