Netanyahu oo wajahaya hubanti la’aan siyaasadeed kaddib markii mucaaradka loo xilsaaray dhismaha dowlad cusub

Image

ERUSALEM – Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa Gadi Eisenkot, oo ah siyaasiga sida weyn uga soo horjeeda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, u doortay inuu isku dayo dhismaha dowlad cusub, kaddib doorasho aan natiijo cad ka soo bixin oo labada dhinac midkoodna siin weyday aqlabiyad uu ku soo dhiso xukuumad.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa Sabtidii fiidkii sheegay in Herzog uu Eisenkot, oo hoggaamiya xisbiga Yashar, ku wargeliyay go’aankiisa ah inuu u xilsaarayo dhismaha dowladda cusub.

Waxaa la filayaa in magacaabista rasmiga ah lagu sameeyo munaasabad ka dhici doonta xarunta madaxtooyada ee magaalada Qudus maalinta Axadda.

Eisenkot ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha, isaga oo sheegay in waqtigan loo baahan yahay in la dhiso dowlad midnimo qaran ah oo wax ka qabata xaaladda dalka.

“Waa waqtigii la dhisi lahaa dowlad xaalad degdeg ah oo qaran. Waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo inaan u qalanno mas'uuliyaddaas,” ayuu Eisenkot ku qoray bartiisa X, kaddib markii lagu dhawaaqay in loo xilsaaray dhismaha dowladda.

Netanyahu ayaa wajahaya caqabad siyaasadeed oo weyn oo ku saabsan sii haynta xilka, kaddib markii isbahaysigiisa diimeed iyo waddaniyadeed uu lumiyay aqlabiyaddii baarlamaanka doorashadii dhacday 27-kii October, inkasta oo uu weli yahay garabka ugu weyn ee baarlamaanka.

Natiijada doorashada ayaa muujisay kala qaybsanaan siyaasadeed, iyadoo isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Eisenkot uu helay 48 kursi oo ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka Israa’iil, halka garabka Netanyahu uu helay 53 kursi.

Taas ayaa ka dhigan in labada dhinacba ay ku guuldarreysteen inay helaan 61 kursi oo ah tirada ugu yar ee loo baahan yahay si loo helo aqlabiyad baarlamaan.

Eisenkot, oo 66 jir ah, ayaa taageero ka helay labada liis ee siyaasadeed ee ay ku badan yihiin Carabta Israa’iil, intii uu wadatashiyada la lahaa Madaxweyne Herzog.

Taageerada labadaas liis ayaa siin karta door muhiim ah oo ay ku yeeshaan dhismaha dowladda cusub, maadaama kuraastoodu wax ka beddeli karaan xisaabta siyaasadeed ee baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in isbahaysiga Eisenkot uu diyaar u yahay inuu taageero ka helo xisbiyada Carabta si uu u helo aqlabiyadda uu ugu baahan yahay dhismaha xukuumadda.

Haddii Eisenkot ku guuleysto inuu helo taageerada xildhibaanno ku filan oo uu ku dhiso dowlad, wuxuu xilka kala wareegi doonaa Netanyahu, oo ah ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa taariikhda Israa’iil.

Doorashadan ayaa sidaas ku abuurtay loollan siyaasadeed oo cusub, iyadoo mustaqbalka hoggaanka Israa’iil uu ku xirnaan doono awoodda dhinacyada kala duwan ay u leeyihiin inay sameystaan isbahaysi baarlamaan oo shaqeyn kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $20 milyan ku bixinaya xogta barnaamijka nukliyeerka Iiraan

Barnaamijka Rewards for Justice waxaa la aasaasay sannadkii 1984-kii, waxaana maamusha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

  • Caalamka

    08-11-2026

  • 05:18AM

Soomaaliya oo wajahaysa khataro is-biirsaday oo dhalin kara firaaqo amni iyo qalalaase siyaasadeed

Wareejinta saldhigga ayaa ka dhigan in ciidamada Soomaaliyeed ay si toos ah ula wareegayaan mas'uuliyadda amniga deegaanka.

  • Caalamka

    07-11-2026

  • 11:36AM