NEW YORK: Cabdulqawi Axmad Yusuf oo dib loogu doortey Maxkamada Caalamiga

Image

NEW YORK - Golaha guud ee QM iyo amaanka ayaa u doortey afar Xaakim Maxkamada Cadaalada ee Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague dalka Netherlands tasoo ah qayb kamid ah Qaramada Midoobey.  Golahaan ayaa Xaakimada ay doorteen ka xushey 6 muharax

Kadib markii Golyaasha QM [ Guud iyo Amniga] ayaa doorashadaan ku qaadatey Lix wareeg iyagoo kala dooranayey 6 Xaakim iyagoo dib u doorey labo xubnood, Ronny Abraham ( Farance) iyo Cabdulqawi Axmad Yusuf ( Somalia) halka xubnaha cusub oo kala yihiin; Antonio Augusto Cancado Trindade ( Brazil) iyo Nawaf Salam ( Lebanon).

Afarta Xaakim ayaa la doortey wareegii 5 aad. Iyagoo xilkaan hayn doona 9 sano, oo bilaameysaa 6 February sanadka soo socda.

Golaha guud ee QM iyo Amaanka ayaa si madax banaan maalinta Isniinta, 13 Nov, dooran doona xaakimka Shanaad ee Maxkamadaan ( ICJ). 

Maxkamada ayaa ka kooban 15 Xaakim, kuwasoo si buuxda u doortaan labada Gole ee QM ( 97 Cod) halka Golaha Amaanka ( 8 Cod). 5 kursi Xaakimada Maxkamada ayaa la doortaa 3dii sano mar.

Xaakimada ayaa lagu xushaa heerka aqoontooda, ma aha dhalsahadooda halka labo xaakim aysan ka tirsnaan karin labo wadan oo isku mid ah. 

Maxkamadaan ayaa dhidibada loo taagey 1945, waxayna saldhigeedu yahay wadanka Natherlands, ICJ- waxaana si aan toos ah loogu yaqaan Maxkamada aduunka- waxayna xalisaa khilaafyada sharci ee u dhexeeya wadamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM