New York: Nin si ula kac ah baabur ugu jiirsiiyey 8 qof

Image

NEW YORK - Nin wata Gaari kuwa la soo kireyato ah ayaa dad luguynaya iyo kuwo Baskiilo saaran ku jiidhsiiyey wadada ku taal halka la yirahado webiga Hudson ( Hudson River) ee magalaada New York maalinimadii Talaadada.

Qofkaan ayaa falkaan ku diley 8 Ruux halka uu dhaawacey dad gaaraya dhowr iyo Toban qof, saraakiisha Dowlada ayaa ugu yeertey dhacdadaan mid argagixiso.

29 jirkaan ayaa boolisku ka toogtey caloosha markii la qabtey markii gaarigaan uu kula dhacey Bus kuwa iskuulada ah.

Hay’adaha amniga dalka Mareykanka ayaa sheegey in ninkaan dhalashadiisu aheyd qof kamid ah dadka kasoo haajirey wadanka Uzbekistan.

Warbaahinta CNN iyo New York Times ayaa sheegey in ninkaan laga heley gaariga uu watey gudihiisa qoraal ah in weerarkaan uu u fuliyey ururka argagixisada ah ee ISIS. 

5 kamid ah dadka dhintey waxay u dhasheen dalka Argentine kuwasoo New York u yimid in xaflad kala qayb galaan dad saaxibo la ah, warkaan ayaa saxafada waxaa u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan safaarada dalkaas ku leeyahay dalka Mareykanka.

Shilkaan ayaa ka dhigaysa falkii argagixiso ee ugu khasaaro badnaa tan iyo markii koox duuliyaal ah diyaarado ku dhufteen dhismayaal ku yaal magalada New York sanadkii 2001 halkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 2600 qof.

Dhacdooyinkaan la jiirsiinayo gawaarida dadka wadooyinka maraya ayaa aheyd mid 15 bilood ee lasoo dhaafey ka dhaceysay qaar ka tirsan wadamada Yurub.

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM