Nin $28,000 looga dhacay xiriir jaceyl oo loo adeegsaday 'gabar' AI ah

Image

Shanghai — Nin ku nool magaalada Shanghai ayaa lumiyay ku dhawaad 200,000-yuan (qiyaastii $28,000) kadib markii lagu khiyaameeyay xiriir jacayl oo been abuur ah, ayada oo la adeegsanayo gabar lagu sameeyay garaadka macmalka ah (AI), sida ay warisay warbaahinta dowladda Shiinaha Arbacadii.

Kooxda khiyaanada sameysay ayaa adeegsaday software AI ah si ay u abuuraan muuqaallo iyo sawirro si dhab ah u eg gabar dhallinyaro ah, iyagoo iska dhigay qof aan jirin oo lagu magacaabay "Ms. Jiao," sida uu sheegay taleefishinka dowladda ee CCTV.

Dhibbanaha, oo magaciisa lagu sheegay Mr. Liu, ayaa u wareejiyay lacag gaareysa $28,000 akoon banki oo uu u haystay inuu yahay midka saaxiibtiisii internet-ka, kadib markii kooxdu ay adeegsadeen sawirro been abuur ah si ay ugu qanciyaan in "gabadha" ay u baahan tahay dhaqaale si ay ganacsi u furato, iyo in ay ehelkeeda ka caawiso kharashaadka caafimaadka.

Si ay khiyaanadooda u dhameystiraan, kooxdu waxay xitaa sameeyeen aqoonsi iyo warbixinno caafimaad oo been abuur ah si ay u muujiyaan in dalabkooda lacag ay dhab ka tahay, sida uu sheegay CCTV.

"Kooxda tuugada ah waxay direen muuqaallo iyo sawirro dhammaantood lagu sameeyay AI ama sawirro kala duwan oo la isku daray," ayuu weriyey CCTV, oo soo xiganaya baaritaan ay sameeyeen booliska.

"Muddadii uu xiriirka socday, Mr. Liu waligiis si toos ah ulama kulmin Ms. Jiao," ayay intaa raacisay warbaahinta dowladda.

Muuqaallo la baahiyay oo uu baahiyey CCTV ayaa muujinayay sawirro kala duwan oo "Ms. Jiao" ah, oo ay ku jiraan mid ay taagan tahay waddo magaalada ah iyo mid kale oo ay wax sawireyso.

Soo ifbaxa aaladaha AI ee awood u leh inay abuuraan qoraallo, sawirro, iyo xitaa muuqaalada tooska ah ee si dhab ah u eg qof ayaa sare u qaaday noocyada khiyaanooyinka casriga ah ee caalamka ka dhaca.

Horraantii bishan, shirkadda Mareykanka ee Meta, ee leh Facebook, ayaa uga digtay dadka isticmaala internet-ka khiyaanooyinka ku saleysan jacaylka online-ka, iyadoo xustay in AI la adeegsado si loogu kasbado kalsoonida dadka ka hor inta aan laga dalbanin lacag. Shirkaddu waxay sheegtay in khiyaamooyinka noocan ah ay sii kordhayaan.

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM