Nin Boolis baadi-goobayeen oo Facebook kusoo Jawaabay

Image

Booliska West Yorkshire ee dalka Ingiriiska ayaa cod-sadey in laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen nin la sheegay inuu ka maqan yahay magaalada, kaasoo magaciisu ku sheegeen Leon Smith, oo 21-sano jir ah.

Laamaha amniga ma aysan faah-faahin sababta ay u baadigoobayaan ninkan, laakiin goor-dambe ayuu kasoo jawaabay warbixin ay ka qortay sheekadaan Daily Examiner, isagoona sheegaya inuusan ahayn mid lumay, laakiin uu yahay mid la ugaarsanayo.

“Aniga ma ahi mid lumay, ee waxaan ahay mid la doon-doonayo [La ugaarsanayo]. Waxay rabaan inay i xiraan. Ma garan kartaa xaqiiqada. Haka walwalina amaankeyga, waxaan ahay mid nabad-qaba. Booliska ha qabsadaan shaqadooda,” ayuu yiri ninkan.

Mar dambe, Booliska ayaa sheegeen inay soo qabteen ninkaan, islamarkaana uu hadda ku jiro Saldhiga, wallow aysan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan kiiska lagu haysto iyo waxa uu salka ku hayo xarigiisa.

Wuxuu ku adkeystay Boolisku inuu kaliya u baqayo amaanka wiilkan dhalinyaradda ah, sidaas darteeda ay soo bandhigi doonan wixii xog ah ama macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kiiskiisa iyo sheekooyinka la xiriira.

“Boolisku waxay soo xireen, shaqsigii la doonayay, oo isaga isa soo dhiibay. Sidaas darteeda hada Saldhiga ayuu ku jiraa. Wixii macmuulaad dheeraad ah waan idin soo gudbin doonaa, Mahadsanidiin,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM