Nin cadaan ah oo isku dayay in uu dilo Muslimiin oo xukun culus lagu riday

Image

OSLO, Norway – Maxkamad ku taala waddanka Norway ee qaaradda Yurub ayaa maanta oo Khamiis ah waxay 21-sano oo xarig ah ay ku ridday Philip Manshaus, oo lagu tilmaamay in uu yahay cadaan xagjir ah.

Xukunsanaha ayaa lagu helay laba dambi oo ah in uu dilay gabar ay isku aabo ahaayeen iyo isku day weerar oo ka dhan ah Masjid ay Muslimiin joogeen.

Manshaus oo ah 22-jir ah ayaa qirtay dambiga, isagoo sheegay in haweenayda uu u dilay in ay kasoo jeeday Aasiya uuna u arkay in ay halis ku tahay qoyska.

Falka dilka ah oo lagu geystay qoriga lagu u gaarsado duurjoogta ayaa bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-kii ka dhacay degaanka Baerum oo duleedka kaga yaala magaala madaxda Oslo.

Intii ay maxkamadeyntu socotay, wuxuu sidoo kale qirtay in uu gaari u qaatay Masjidka Al Nuur oo ka akdhowaa hoygooda si uu weerar ugu ekeeyo.

Muslimiin isku diyaarineysay Ciidul Adxaa ayuu dhowr rasaas ku furay. Balse midkoodna kama soo gaarin dhaawac, waxaana isku duubay mid kamid ah Muslimiinta.

Dacwad-oogeyaasha oo Philip Manshaus ku sifeeyay "nin khatar badan" ayaa taageeray xukunka kasoo baxay garsooreyaasha, iyagoo sheegay in ay bogaadinayaan.

Philip Manshaus ayaa isku dayey in uu baraha bulshadda ku baahiyo weerarka Masjidka, balse waxaa muuqaneysa in uu ku guuldareystay arrintaas.

Weerarkii lagu xasuuqay 77 Muslimiinta ahaa ee ka dhacay magaalada Christchurch ee New Zealand oo baraha bulshada lagu faafiyey ayuu taageeray.

Sikastaba ha ahaatee, xukunka Philip Manshaus ayaa ah midkii ugu dheeraa ee sharciga Norway lagu saleeyo, waxaana sii deyntiisa ay ku xirnaan doontaa illaa looga aqoonsanayo in uusan halis ku ahayn bulshadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM