Nin faas ku weeraray dad ku cibaadeysanayay Masaajid

Image
Baarayaasha kiiskan ayaa rumaysan in weerarka uu la xariiro nacayb ka dhan ah dadka Islaamka.

TORONTO, Canada - Ninkan ayaa lagu magacaabaa Mohammad Moiz Omar, waxaana lagu soo ooogay lix dambi oo ay ka mid yihiin weeraro la mid ah kan lagu qabtay iyo in uu qorsheynaye walxo lid ku ah amaanka.

Baarayaasha kiiskan ayaa rumaysan in weerarka uu la xariiro nacayb ka dhan ah dadka Islaamka.
 
Dadka cambaareeyay weerarkaas oo ku tilmaamay mid aad looga xumaado waxaa ka mid ah Raysal Wasaaraha dalka Justin Trudeau, wuxuuna bogaadiyay geesinimada ay muujiyeen dadkii masaajidka ku tukanayay.
 
Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool dalka Canada ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday tiro weerar toogasho ah sanadii 2017-dii kaas oo ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Quebec waxaana ku dhintay 6 qof, 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen.
 
Sannadkii hore, afar qof oo ka mid ah qoys Muslimiin ah ayaa lagu dilay weerar baabuur oo ka dhacay magaalada London ee gobolka Ontario, kaas oo ay booliisku ku tilmaameen in uu ahaa weerar Islaam nacayb ah.
 
Waxuu weerar noocan ah ka dhacay masaajid ku yaala dalka Swiziland halkaas oo nin ku hubaysnaa qoryaha darandooriga u dhaca uu ku laayay dad tiro badan.

Weeraradan oo reer galbeedka aysan si adag u cambaareyn ayaa inta badan waxay ka dhacaan wadamadda dowladaha tunka weyn ee aduunka oo ay ku badan yihiin dadka qaba nacaybka ka dhanka ah diinta Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM