Nin Falastiini ah oo labo qof ku toogtay magaalada Tel Aviv
TEL AVIV, Israel - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin Falastiini ah uu khamiistii rasaas ku furay baaar ku yaalla bartamaha magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil.
Lix qof ayaa la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo halis ah kuwaas oo loola cararay isbitaalka, sida ay sheegtay waaxda adeegga ambalaasta ee Magen David Adom, taas oo sidoo kale sheegtay inay soo gaareen warbixinno la xiriira in weerarradu ay ka dhaceen meelo ka mid ah faras-magaalaha.
Ninkan oo ka soo jeeda Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa waxaa lagu raad joogey muddo saacado ah isagoona markii dambe lagu toogtay meel 6km u jirta halkii uu weerarka ka gaystay.
Ruuxan la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Raad Hazem, oo 28 jir ah, saraakiisha ayaana sidoo kale sheegay in in ka badan 1,000 xubnood oo ka tirsan booliiska Israel, ciidamada gaarka ah ee militariga iyo adeegga sirdoonka Shin Bet ay ka qayb qaateen baadigoobka ninka dilka gaystay.
Shaqsigan ayaa la sheegay in uu wadanka kusoo galay si sharci darro ah, aana la ogsooneyn xiriirka uu la leeyahay kooxaha mintidiinta ee mayalka adag.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Naftali Bennett, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku jiraan "feejignaan", isagoo raaciyay: "Dagaalka aan kula jirno argagixisada dilaaga ah waa mid dheer oo adag, waana ka guuleysan doonnaa."
"Ilaa hadda, 10 qof oo dhaawac ah ayaa la geeyay isbitaalka Ichilov. Laakiin nasiib darro, inkasta oo dhakhaatiirtu ay sameeyeen dadaal, laba ka mid ah dhaawacyada ayaa dhintay," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Isbitaalka. Muuqaallo toos ah oo laga soo duubay weerarka kadib ayaa muujinayay ciidamo boolis ah oo goobta gaaray oo qoryahooda ku fiiqaya dabaqyada sare ee dhismeyaasha, waxaana boolisku sheegay in shakigu yahay in hal qof uu geystay weerarkan, haatanna uu baxsad yahay.
"Argagixiso ayaa rasaasta furtay, wax yar kadibna lug ayay ku carareen, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay," ayuu yiri afhayeenka booliiska Eli Levy oo la hadlay warbaahinta.
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa cambaareeyay dilka loo geystay dadka rayidka ah ee Israa'iil, isagoo ka digay dilka Falastiiniyiinta iyo shacabka Israa'iil ee rayidka ah inay horseedayso xaalad kale oo xasilooni darro ah.
Sababta ka dambeysay weerarkan ayaa caddeyn, hase yeeshee xiisad ayaa ka taagan Israa’iil kadib weeraro dhowr ah oo ay dhawaan geysteen Falastiiniyiinta oo ay ku dhinteen 11 qof.
GAROWE ONLINE