Nin la sheegay in uu nijaaseeyay kitaabka Qur'aanka oo la khaarijiyey

Image

DHAKA, Bangladesh – Boqolaal shacab ah oo ku nool magaalo ka tirsan dalka koonfurta Aasiya ku yaala ee Bangladesh ayaa la sheegay in Khamiistii ay dileen nin lagu eedeeyay "in uu nijaaseeyay Kitaabka Qur'aanka Kariimka".

Shaqsiga lagu goobtay ayaa la socday ruux kale kaasoo ku dhaawacmay weerarka ay ku ekeeyeen dadweynaha markii ay "ku istaagteen" kitaabka Qur'aanka gudaha Masjid dhaca magaalada xadka India ku dhow ee Burimari.

Taliska Booliska ayaa tilmaamay in ay meel ammaan ah geeyeen labadaas qof ka gedaal markii ay soo eedeeyeen Jameecada Masjidka Burimari Jame.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay bileyska, dad ka badan kun ayaa gudaha ugu daatay goobtii lagu haayey iyagoo xoog ku watay 35-sano jirka.

"Ciidamadda waxay rideen 15 xabado nool-nool si ay u kala eryaan dadweynaha, balse ma aysan u joojin," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka taliska.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in rayidka ay garaacis ku dileen shaqsiga kahor inta aysan dab qabad-siin bartii uu ku jiray meydkiisana ku gubin wadda.

Warar ayaa sheegaya in ruuxa la dilay uu qabay dhibaato caafimaad oo maskaxda ah. Hase ahaatee, ma jiraan caddeymo ka yimid xarumaha ku shaqada leh.

Dhacdadaan ayaa waxay kusoo hagaageysa iyaddoo dunida Islaamka ay ka jirto carro xoogan oo laga qaadey hadal uu madaxweynaha wadanka Faransiiska, Emmanuel Macron, ugu gefay Diinta Islaamka iyo Nabi Maxamed [SCW].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM