Nin la sheegay in uu nijaaseeyay kitaabka Qur'aanka oo la khaarijiyey

Image

DHAKA, Bangladesh – Boqolaal shacab ah oo ku nool magaalo ka tirsan dalka koonfurta Aasiya ku yaala ee Bangladesh ayaa la sheegay in Khamiistii ay dileen nin lagu eedeeyay "in uu nijaaseeyay Kitaabka Qur'aanka Kariimka".

Shaqsiga lagu goobtay ayaa la socday ruux kale kaasoo ku dhaawacmay weerarka ay ku ekeeyeen dadweynaha markii ay "ku istaagteen" kitaabka Qur'aanka gudaha Masjid dhaca magaalada xadka India ku dhow ee Burimari.

Taliska Booliska ayaa tilmaamay in ay meel ammaan ah geeyeen labadaas qof ka gedaal markii ay soo eedeeyeen Jameecada Masjidka Burimari Jame.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay bileyska, dad ka badan kun ayaa gudaha ugu daatay goobtii lagu haayey iyagoo xoog ku watay 35-sano jirka.

"Ciidamadda waxay rideen 15 xabado nool-nool si ay u kala eryaan dadweynaha, balse ma aysan u joojin," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka taliska.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in rayidka ay garaacis ku dileen shaqsiga kahor inta aysan dab qabad-siin bartii uu ku jiray meydkiisana ku gubin wadda.

Warar ayaa sheegaya in ruuxa la dilay uu qabay dhibaato caafimaad oo maskaxda ah. Hase ahaatee, ma jiraan caddeymo ka yimid xarumaha ku shaqada leh.

Dhacdadaan ayaa waxay kusoo hagaageysa iyaddoo dunida Islaamka ay ka jirto carro xoogan oo laga qaadey hadal uu madaxweynaha wadanka Faransiiska, Emmanuel Macron, ugu gefay Diinta Islaamka iyo Nabi Maxamed [SCW].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM