Nin lagu tuhmayo weerarkii New York oo xabsiga la dhigay
MUQDISHO, Soomaaliya - Ninkan ayaa waxaa loo xiray tuhunka toogasho wadareed Talaadadii ka dhacday boostaajo laga raaco tareenada oo ku taala magaalada New York isagoo lagu soo oogay danbi argagixisanimo sida uu sheegay Breon Peace oo ah qareenka dowladda ee degmada bari ee magaalada New York.
Frank James oo 62 jir ah ayaa galabnimadii Arbacada laga soo qabtay xaafada Manhattan’s East Village ka dib markii ay Boolisku ka war heleen in uu halkaas ku dhuumaaleysanayo, New York Times ayaana ku warrantaay in xabsiga la dhigay iyada oo aysan dhicin wax dhibaato ah.
Eedaha James loo jeedinayo ayaa ka mid ah in uu Bam gacmeed hoos dhigay tareenka dhulka hoostiisa mara ka dibna uu rasaas ku furay dadkii kale ee raacaye markii uu tareenka ku soo dhawaaday xarunta 36th Street ee boostaajada Brooklyn.
Tobanaan qof ayay rasaastu haleeshay iyadoo shan ka mid ah la sheegay in xaaladoodu halis ahayd balse ay dib kasoo wanaagsanaatay. Taliyaha booliska New York, Keechant Sewell ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii ka sheegay; "Waxaa inoo suuragashay inaan si dhaqso ah u hareereyno isaga, mana jirin dhinac uu u baxsan karay".
Booliska ayaa sidoo kale soo helay alaabo kale oo lala xiriirinayo ninka toogashada geystay, sida qoriga gacanta, rasaas uu ugu talo galay weerarka, labo bam gacmeed oo qiiq ah iyo labo aan qarxin, iyo sidoo kale koofiyad iyo qasac qashin ah.
Booliska ayaa waxaa caqabad ku noqday baaritaankooda kaamirooyinka ammaanka oo aan ka shaqeyneynin goobta ay toogashadu ka dhacday iyo laba goob oo kale oo wadada ku yaalay.
Sawirro iyo muuqaallo la soo galiyay baraha bulshada Talaadadii ayaa muujinayay dhibbanayaal dhiigooda dhulka qulqulayo iyo qiiq badan oo hawada qabsaday.
Sam Carcamo oo goobjooge ahaa ayaa yiri, “Marki aan furay albaabka tareenka, waxaan arkay musiibo, waxey indhaheygu qabteen qiiq iyo dhiig, dadkuna aad bay u qeylinayeen.”
Sababta toogashada ayaan weli la ogeyn, balse muuqaallada lasoo dhigay baraha bulshada ee James ayaa muujinaya in uu ahaa nin careysan, waxaana loo maleynayaa in uu ka carooday midab takoor, dhibaatooyinka lagu hayo bulshada madow iyo hoy la’aan.
Weerarkan ayaa ka mid noqonaya fal-dambiyeedyo rabshado wata oo magaalada ku soo badanaya, kuwaas oo ay ku jiraan dilal dhowaan loo geystay gabar 16 jir ah iyo ayeeyadeed. Adams oo ah sarkaal hore oo boolis ah oo xafiiska la wareegay bishii Janaayo ayaa sheegay in dhimista dambiyada ay tahay mudnaanta koowaad ee maamulkiisa.
GAROWE ONLINE