UK: Nin loo haysto dilka muhaajiriin Soomaali ku jiraan oo la xiray

Image
Eedeysanahan ayaa lagu waramay in uu kamid yahay shabakad muqalasiin ah kuwaasoo lagu raad-joogay.

LONDON, United Kingdom - Saraakiisha ammaanka waddanka Ingiriiska ayaa xiray nin lala xiriirinayo 27 muhaajiriin ah oo ku dhintay Channel-ka English-ka sanadkii hore ayna ku jiraan Soomaali.

Ninkan oo 32 jir ah ayaa laga soo qabtay Koonfur Galbeed ee England Talaadadii, sidda laga soo xigtey Hay’adda dambiyada Qaranka ee UK ee NCA taasoo soo saartey war-saxaafadeed.

Eedeysanahan ayaa looga shakisan yahay inuu xubin ka yahay koox dambiilayaal ah oo abaabulan oo "isku dayay inay tahriibayaal ku geeyaan UK iyagoo saaran doon yar".

Agaasime ku xigeenka NCA Craig Turner ayaa ku tilmaamay qabashada ninkan mid muhiim ah sababo ku aadan in tuhmanaha lagu eedeeyay "inuu door muhiim ah ka qaatay dilka dadka dhintay".

27 qof oo tahriibayaal ah ayaa dhintay markii doon ay la socdeen ay kula degtay xeebaha Calais bishii November 2021. Laba qof oo kaliya ayaa la badbaadiyay.

Inta badan dhibanayaasha geeriyoodey ayaa waxaa lagu waramay in ay ka soo jeedeen Ciraaq, halka kuwa kalena ay ka soo jeedaan Afgaanistaan, Masar, Ethiopia, Iran, Soomalaiya, iyo Vietnam.

Toban xubnood oo ka tirsan koox looga shakisan yahay inay Afgaanistaan ​​wax kasoo tahriibiso kuna lug lahaa dhacdadan ayaa hore loogu xiray dacwadna loogu soo oogay gudaha Faransiiska.

Sidda ku xusan warbixinta laga helay saraakiisha ammaanka, lacag dhan 3,000 oo Yuuro ayay ka qaadi jireen qofkiiba si ay muhaajiriinta ugu daabulaan Ingiriiska. Haddase waa xukun sugayaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gantaal laga soo tuurey Yemen oo ku dhacay Garoonka Diyaaradaha ugu wayn Israel

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed qof ay waxyeello kasoo gaartay weerarka, mid ka mid ahna uu si fudud u dhaawacmay.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 08:48AM

Anthony Albanese oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Guud ee Australia

Doorashadan ayaa timid xilli xisbiga Talada haya uu sanadkan ku bilaabay ololaha…

  • Caalamka

    03-05-2025

  • 06:58PM