Nin loo haysto diyaarad la qarxiyey 34-sano kahor oo la qabtey

Image
Abu Agila Mohammad Mas'udKheir Al-Marimi ayaa ku jira gacanta ciidamadda Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Nin ku eedeysan diyaaradda lagu magacaabo Pan Am 103 oo la qarxiyey December 21, 1988, ayaa ku jira gacanta Mareykanka, sidda ay Axada maanta ah sheegeen mas’uuliyiin.

Qaraxa oo ka dhacay magaalada Lockerbie ee Scotland ayaa sababay geerida 270 qof. Dhacdadan waxay kamid noqotey kuwa ugu dhimashada badan taariikhda casriga ah.

BBC-da oo soo xiganaysa afhayeen u hadlay xeer-ilaalinta iyo booliska ayaa magaca latuhunsanaha waxay ku sheegtay Abu Agila Mohammad Mas'udKheir Al-Marimi ("Mas'ud" ama "Masoud").

"Xeer-ilaalinta Scotland iyo booliiska, oo la shaqeynaya Dowladda UK iyo saaxiibada Mareykanka, waxay sii wadi doonaan baaritaankan, iyadoo ujeedadu tahay kaliya in cadaaladda la horkeeno kuwa la macaamilay Al Megrahi," ayuu raaciyey afhayeenka.

Sida ay warbixinadda muujinayaan, Masoud waxaa qafaashay koox maleyshiyo ah oo ku sugan Liibiya kadibna waxa u gacan-geliyeen saraakiisha Ameerikaanka ah ee joogta waddankaas.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 259 qof rakaab ah ayaa ku sii jeeday magaalada New York waxaana ay ka dhooftey caasimadda boqortooyadda Ingiriiska ee London.

Marka laga soo tago rakaabka saarnaa, waxaa sidoo kale dhacdadaas ay galaafatay 11 kale oo dhulka joogay gaar ahaan magaaladda Lockerbie oo ku taal koonfur-galbeed ee Scotland.

Dhimashadda ka sokow, waxaa burbur xoogan uu soo gaarey dhismeyaal ku dhow meesha ay ku dhacdey diyaaradda taasoo sii badisay khasaaraha maaliyadeed ee dhacdadaas ay u geysatay magaaladda Lockerbie.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM