Nin sababay geerida Soomaali oo lagu xukumay 40-sano oo xarig ah

Image

WASHINGTON, United States – Maxkamad ku taala Mareykanka ayaa nin 40-sano jir ah waxay 40-sano oo xarig ah ugu xukuntay in uu si ola kac ah u jiiray arday Soomaali ah kaasoo ahaa 15-sano jir.

Xukunsanaha Axmed Aadan ayaa falkaas kula kacay marxuum C/samad Sheekh Xuseen bishii December sanadkii 2014-kii, waxaana ay ka dhacdey gobolka Kansas ee bartamaha-galbeed ee dalkaas.

Xafiiska dacwad-oogaha guud ee ismaamulka Jackson oo xukunka ku dhawaaqay ayaa xusay in Aadan uu si ku talogal ah u dardaray Cabdisamad xilli uu kasoo ka baxayey masjidka ay Soomaalida leedahay.

Aadan oo bishii December galay heshiis dambi-qirasho ah ayaa wuxuu u sheegay baareyaasha in uu si ola kac ah u jiiray wiilka dhalinyarada ahaa.

"Waxaan baadigoobayey rag kol hore ii hanjabay, waxaana si qalad ah ugu maleeyay Cabdisamad in uu kamid ahaa ama midkood uu yahay," ayuu raaciyey.

Xeer-ilaalinta oo lahayd soo jeedinta xukunkaas ayaa waxay ku sifeysay falka Aadan "mid salka ku haayey xaalado la xiriira Islaam-naceyb".

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada dunida ee Soomaalida ay ku leedahay joogitaanka ugu balaaran, waxaana badankooda ay yihiin kuwa dalkooda hooyo uga cararay colaadaha qarxay sanadkii 1991.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM