Nin uureeyay inan 9-jir ah oo lagu xukumay cimrigaaga haku furto

Image
Gabadha ayaa 10 sano jirsatay ka hor inta aysan iska soo xaaqin uurka oo dood heer qaran ah ka abuuray Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Nin ku nool dalka Mareykanka ayaa lagu helay dambi ah inuu uureeyay gabar 9-jir ah, taas oo ku qasbanaatay inay u safarto gobolka si ay u soo xaaqdo, sidda ku cad labo dacwadood oo kufsi ah.

Gerson Fuentes, oo 28 jir ah, ayaa Arbacadii maxkamad ku taal magaalada Columbus gobolka Ohio waxay ku xukuntay xabsi daa’in taas oo ka dhigan cimrigaaga haku furto.

Fuentes ayaa waxa uu xaq u yeelan doonaa in uu raadsado rafcaan kadib marka uu jeelka ku qaato 25 ilaa 30 sano. Intaas waxaa wehlisa in loo diiwaan-gelin doono dambiile geystay dambi galmo.

Kiiskan ayaa waxa uu xudun u noqdey dood kulul oo ka dilaacdey guud ahaan Mareykanka waxaana uu abuuray muran ku saabsan in ilmaha iska soo ridi karaan hablaha ku nool Ameerika.

Sheekada inanta ayaa noqotay mid si weyn u baahdey kadib go’aankii maxkamada sare ee lagu baabi’iyay xeerka Roe v Wade, kaas oo horay u ilaalin jiray in ilmo iska soo xaaqidda uu dastuurku u aqoonsan yahay sir.

Gabadha oo 10 sano jirsatay ka hor inta aysan iska soo xaaqin uurka ayaa xaqiijisay in Fuentes uu soo weeraray isla markaana uu kufsi bartilmaameed ah u geystey.

Fuentes ayaa sidoo kale u qirtay dambi-baarayaasha booliiska Columbus. Baaritaanka DNA-da ee uurjiifka la soo tuuray ayaa xaqiijiyay Fuentes inuu yahay aabaha, sidda ay shaaca ka dhigeen dacwad oogayaasha degmada Franklin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM