Ninkii sameeyay talaalka Covid19 oo uu isagii ku dhacay cudurka
WASHINGTON, United States - Agaasimaha shirkadda Pfizer Albert Bourla ayaa sheegay in uu ku dhacay cudurka Karoonaha.
Shirkaddan ayaa dunida caan ka noqotay kadib markii ay soo saartay tallaalka cudurka oo ay qaateen malaayiin qof oo dunida daafaheeda kala jooga.
Agaasimaha ayaa hadda sheegaya in uu roonyahay kadib markii uu qaatay dhawr kuuro oo ah dawada afka laga qaato ee cudurka.
Waxaa jirta dawo cusub oo la sheegay in ay wax ka tarayso noocyada cusub ee cudurka, balse agaasimaha wuxuu sheegay in uusan weli qaadan isaga.
GAROWE ONLINE