Obama oo ka noqdey danjirihii uu usoo magacaabey Somalia

Image

May 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ka noqdey go'aankii uu Katherine Simonds Dhanani ugu soo magacaabey danjiraha cusub ee Maraykanka u joogi doonta dalka Soomaaliya.

Go'aanka Obama ayaa yimid maalmo kaddib markii uu Aqalka Odayaasha u gudbiyey magacaabista Dhanani, si ay u ansixiyaan amase u diidaan.

Af-hayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in go'aanka Madaxweyne Obama dib ugula noqdey danjirihii uu usoo magacaabay Soomaaliya uusan ahayn mid dhankiisa ka yimi, balse  Katherine Dhanani ay ka cudur daaratey xilkaas oo sida ay sheegtay markii horeba aan lagala tashan.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Obama muddo kooban gudaheed kusoo magacaabi doono qofka lagu beddelayo Dhanani.

February 25, 2015 ayey ahayd markii war-saxaafadeed kasoo baxay aqalka cad lagu shaaciyey in Madaxweyne Barack Obama safiirka cusub ee Maraykanka u fadhin doona Soomaaliya usoo magacaabay Katherine S. Dhanani. 

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry ayaa todobaadkii hore booqasho taariikhi ah oo aan horay loo shaacin kusoo gaarey Soomaaliya. Kerry ayaa noqdey mas'uulkii ugu horreeyey ee xil sare ka haya Maraykanka ee muddo labaatan sano ka badan booqasho ku yimaada Soomaaliya.

Muddadii koobnayd ee Muqdisho uu ku sugnaa, wuxuu la kulmey madaxda Dowladda Federaalka, madaxweyneyaasha dowladaha qaybta ka ah federaalka iyo ururrada bulshada, wuxuuna sheegay in Maraykanku dib u furan doono safaaraddiisii Muqdisho xoojinna doono joogitaankiisa dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM