Oramada iyo Soomaalida oo ku dagaalamay dalka Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowlada Ethiopia ayaa sheegtey in dad gaaryaa 20 qof ku dhinteem dagaalo dhexmarey qowmiyadaha Soomalida iyo Ethiopia asbuucii lasoo dhaafey.

Afhayeen u hadlay Dowlada Ethiopia Negeri Lenco ayaa sheegey in 98 qof laga soo xirey gobolka Oramada halka 5 laga qabtey degaanka Soomaalida kuwasoo la rumeysan yahay iney hurinayeen colaadahaan.

Dagaaladaan ayaa waxaa sababey khilaafka dhuleed u dhexeeya labadaan qowmiyadood oo wada daga dalka Ethiopia kasoo ka jira xuduudka u dhexeeya labada degaan.

Saraakiisha dowlada dhexe ee Ethiopia ayaa horey u dalbatey in labada dhinac ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya wadahadal  iyadoo ciidamo soo dhoobtey degaanada dariska ka yihiin labadaan qowmiyadood balse rabshadahaan ma joogsan.

Bishii September ee lasoo dhaafey ayaa dagaalo dhexmarey labada dhinac waxaa isaga dhintey dad gaaraya 10 ruux kor u dhaafaya halka rabshadahaan ka barakaceen Kumanaan dad ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM