PAKISTAN: 8 ku dhimatay weerar lagu qaada Kaniisad

Image

Ugu yaraan 8 qof oo 3 haween ah ay kamid yihiin ayaa ku dhintay, 16 kalena way ku dhaawacmeen weerar lagu qaadey Kaniisad ku taalla magaalada Quetta ee dalka Pakistan.

Saraakiisha booliska Pakistan ayaa sheegay in koox hubaysan ay xoog ku galeen dhisamaha Kaniisada oo ku taalla wadada Zarghoon, kadibna waxay rasaas ku fureen dadkii gudaha ku cibaadaysanayay.

Mid kamid ah ragga weerar soo qaadey ayaa la qabtay kadib markii ciidamada ay dhaawaceen, iyadoo mid kale oo la socday uu isku qarxiyay albaabka Kaniisadda, kadib markii ay ciidamada joojiyeen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan ayaa sheegtay weerarka uu dhacay xilli in ka badan 200 oo qof oo Kirishtaan ah ay maanta oo Axad ah ku cibaadaysanayeen Kaniisadda.

Dowladda Pakistan ayaa cambaareysay weerarka Kaniisadda, waxayna ku tilmaantay fal arxan darro ah oo lala eegtay dad aan waxba galabsan. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Magaalada Quetta oo ah caasimadda gobolka Balochistan ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada argagaxiso oo ay geystaan kooxo xiriir la leh Taliban iyo Al Qaacida.

Bishii lasoo dhaafay, weerar ismiidaamin ah ayaa lala eegtay ciidamo la socday kolonyo gaadiid ah gudaha magaalada Quetta, kaasi oo ay ku dhinteen 4 askari, 15 kalena way ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM