Pakistan oo lagu eedeeyay in ay rayid ku xasuuqday Afganistaan

Image
Sida ay sheegayaan wararka, diyaaradaha Pakistan ayaa beegsaday deegaano ka tirsan degmada Spurra ee gobolka Khost.

WASHINGTON, USA - Wararka naga soo gaaraya dalka Afghanistaan ayaa sheegaya in ciidanka Pakistan ay Tobaneeyo qof oo shacab ah ku dileen deegaanno dhaca xuduud beenaadka kadib markii ay geysteen duqeymo aan kala sooc laheyn.

Ugu yaraan 30 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa lagu dilay weerar xagga cirka ah oo la sheegay in ciidamada cirka Pakistan ay ka fuliyeen gobolka Khost ee dalka Afghanistan habeenimadii Jimcaha.

Sida ay sheegayaan wararka, diyaaradaha Pakistan ayaa beegsaday deegaano ka tirsan degmada Spurra ee gobolka Khost. Goob joogayaal ayaa u sheegay TOLO News in diyaaradaha Pakistan ay beegsadeen deegaanka Shiltan oo ka tirsan Kunar iyo deegaan ka tirsan degmada Sperai ee Khost halkaasoo dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartay.



Xukuumadda Islaamiga Afghanistaan ayaa uyeertay safiirka Pakistan ee magaalada Kaabuul iyadoo ugudbisay cabashada ay ka qabto duqeymaha aan loo meel dayin ee ka dhacay Bariga wadankaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaarada Islaamiga ah waxay sheegtay in Pakistan ay ugudbisay cabasho ku saabsan xasuuqa ay diyaaradaheeda dagaalka ugeysteen dadka Rayidka ah.

Masuuliyiin ku sugan Bariga Afghanistan ayaa sheegay in diyaaradaha Pakistan ay duqeeyeen illaa 4 tuulo oo katirsan gobolka Khoosti waxaana halkaas ku dhintay dad ubadan carruur iyo haween.

"Dhammaan dadka labeegsaday waa rayid aan wax cilaaqaad ah aan la laheyn ururka Taliban iyo xukuumadda intaba, magaran karo sababta noola beegsanayo" sidaas waxaa yiri Rasuul Jaan oo kamid ah dadka deegaanka.

Tan iyo markii ay Imaarada Islaamiga ah la wareegtay talada Afghanistan ayuu milatariga Pakistan sare uqaaday dhaq dhaqaaqyada uu ka wado deegaannada xuduud beenaadka dhaca wuxuuna ku andacoonayaan in jamaacadaha Jihaadiga Taliban ay kusii xoogeysanayso gudaha Afghanistan ayna ka hortagayaan weeraradooda.


Xafiiska Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan (UNAMA) ayaa sheegay in ay aad ooga walaacsan yihiin weerarka lagu beegsaday dadka rayidka ah. War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ayaa lagu yiri, “UNAMA waxay aad uga walaacsan tahay dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Pakistaan ee dalka Afgaanistaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM