Pakistan oo shuruud adag ku xirtey aqoonsiga Yahuuda

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Pakistan ayaa Isniintii shaaca ka dhigtey inay u caddeysay Isutaga Imaaraatka Carabta [UAE] in Islamabad aysan aqoonsan karin Israel illaa iyo "heshiis wada ogol rasmi ah" laga gaaro qadiyadda Falastiin.

"Waxaan si cad ugu soo bandhigay wasiirka arimaha dibada ee Imaaraatka carabta mowqifka Pakistan ee Israel ee ah in aanaan sameyn doonin isla markaana aanan la dhisi karin xiriir aan la yeelano Israel inta laga helayo xal rasmi ah oo khuseeya Falastiin," ayuu u sheegay saxaafada.

Sharaxaadda Qureshi waxay timid maalin un ka dib booqashadiisii Imaaraadka, taas oo dad badani u arkeen "mid muhiim ah" iyadoo ay jiraan warar xan ah oo sheegaya in Islamabad si qarsoodi ah farriin ugu dirtay Tel Aviv. Islamabad ayaa beenisay wararkaas ay faafiyeen warbaahinta Israel.

Isaga oo ka jawaabaya su’aalaha la xiriira cadaadiska la sheegayo in uu kaga imanayo Sucuudiga, Imaaraadka iyo waddamada kale ee Khaliijka si loo aqoonsado Israa’iil, Qureshi waxa uu sheegay in uu u sharraxay dhiggiisa Imaaraadka "shucuurta iyo dareenka qotodadheer ee dadka reer Pakistan u hayaan walaalahooda Falastiin iyo Kashmir".

Wasiirka arrimaha dibedda ee Imaaraadka ayuu carabka ku adkeeyay "inuu si buuxda u fahmay dareenkeenna labadaas arrimood".

Isagoo ka jawaabaya cadaadiska saaran Islamabad si ay u aqoonsato Israel, wuxuu yiri: “Marka koowaad, ma jiri doono wax cadaadis ah oo nala saari karo mana jiro. Marka labaad, waa in aan gaarnaa go'aanno aan ku ilaalinayno danaha Pakistan oo aan loo eegin cadaadis kasta. Waxaan leenahay siyaasad walina waan ku adkeysaneynaa".

Ra'iisul wasaare Imran Khan oo sii xoojiyey doodda ayaa ku nuux-nuuxsaday in aysan jiri karin cid cadaadis ku saari karta go'aanadooda.

Mr Khan ayaa bishii lasoo dhaafay qabsaday ciwaanada majaladaha caalamka ka gedaal markii uu ka dhawaajiyey in qaar kamid ah wadamadda saaxiibada la ah ku cadaadinayaan in dowladiisa aqoonsato Yahuuda.

Inkasta oo uu ku gaabsaday in ay isugu jiraan dalal Muslimiin ah iyo qaar aan Muslim ahayn kana fogaadey magacyada, haddana dad badan ayaa rumaysan in Imran Khan uu ula jeeday Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Imaaraatka, Baxrayn, iyo Marooko ayaa dhawaan xiriir diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale la yeeshay Israel. Qaar ka mid ah dalalka kale ee Khaliijka, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, sidoo kale, waxay miisaamayaan talaabooyin si xoogan looga fekeray oo lagu hagaajiyo cilaaqaadkooda Israel.

Sanadihii la soo dhaafay, xiriirka Pakistan uu la leeyahay xulafada Khaliijka ee soo jireenka ah ayaa hoos u dhacay sabab la xiriirta “dhexdhexaadnimadda” ay ka qaateen arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan dagaalka Yemen iyo go'doominta Qatar ee xulufada Carabta ee uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Riyadh sidoo kale waxay u muuqataa inay qoonsatay dhaleeceynta uga timid Islamabad ee ku aadan mowqifka dabacsan ee ay ka qaadaaty khilaafka Kashmir oo muddo dheer kala dhaxeeya Dowladda deriska la ah ee India.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM