Paris: Nin toorey ku weeraray saraakiil boolis oo la toogtey

Image
Ma jiro sarkaal booliis ah oo ku dhaawacmay shilkan, kaasoo dhacay abbaaraha 07:00 xilliga maxalliga ah

PARIS, France – Booliska waddanka Faransiiska ayaa toogasho ku dilay nin mindi sitay kaasoo la sheegay in uu dad ku dhow u hanjabayey isagoo ku sugnaa boosteejo tareenada ee Gare du Nord ee magaaladda Paris.

Shaqsigan ayaa lagu waramay in uu weeraray labo askari oo boolis oo roondo ku jirtay kuna sugnaa boosteejadda, isagoo isku dayay in uu ku waxyeeleeyo mindi 30 cm (12in) ah, sidda ay booliisku sheegeen.

Ma jiro sarkaal booliis ah oo ku dhaawacmay shilkan, kaasoo dhacay abbaaraha 07:00 xilliga maxalliga ah (06:00 GMT) ee Isniintii. Mas'uuliyiinta ayaa rumeysan in dhacdadani aysan la xiriirin argagixisanimo.

"Boolisku waxay isticmaaleen hubkooda, sidaas darteed waxay meesha ka saareen dhammaan khataraha, labadaba naftooda iyo kuwa safarka ah," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha, Gérald Darmanin.

Goobjooge ayaa u sheegay telefishinka maxaliga ah ee BFMTV: "Waxaan koray jaranjarada dhinaca kor aada ee garoonka Eurostar, waxaan maqlay qaylo dhanka midig ah".

"Waxaan arkay nin aad u dheer, oo gacanta ku haysta mindi weyn oo bir aad u cajab badan leh, kaasoo u hanjabay laba ama saddex nin oo bilays ah oo hubaysan, booliisku waxay na soo kaxeeyeen goobta, waxay na geeyeen dhulka," ayuu raaciyey.

Boosteejada Gare du Nord waa mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan Yurub, waxayna u adeegtaa xudunta tareenada dheereya ee taga dalal dhawr ah, oo ay ku jiraan adeegyada Eurostar ee taga ama ka baxa London.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM