Puntland oo wajahaysa heerkii ugu xumaa amniga iyo maandooriyaha

Image
Xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu eedeeyay in ay dayacdey amniga magaalooyinka.

GAROWE, Puntland — Nabad-gelyadda magaalooyinka maamulka Puntland gaar ahaan magaala madaxda Garowe ayaa u muuqda mid wajahaya dayac baahsan ka gadaal markii xukuumadda waqtiga ka dhacayo ee Saciid Cabdullaahi Deni ay ku mashquushay “dano shaqsi ah iyo mid siyaasadeed".

Dambiyada abaabulan, ka ganacsiga furan ee mukhaadaraadka iyo maamul xumo ayaa si weyn u kordhay. Tani waxay kaliftey in culimada ay Masaajida uga dhawaaqaan "jihaad ka dhan ah wax ay ku tilmaameen fusuq ka jira Garowe".

Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf oo kamid ah wadaada Garowe ayaa sheegay in caasimada ay kusoo bateen "isticmaalka maandooriyaha, dumarka is-qaawinaya iyo dowlad-xumada". Dadweynaha ayuu ugu baaqay in ay “qeyb ka noqdaan ololaha lagu suulinayo fusuqan xarga goostey".

Hadalka wadaadka ayaa kusoo hagaagaya xilli gudaha Garowe dhowaan lagu khaarijiyey sarkaal ka tirsan booliska. Macluumaad horudhac ah waxay tibaaxayaan in uu geystay qof cabsan. Dilkaas wuxuu qeyb ka ahaa falal kale oo noocaas ah oo isla magaalada laga diiwaan-geliyey todobaadyadii ugu dambeeyay.

"Ma jirto wax shaqo ah oo ka socota magaalooyinka Puntland oo ka imaanaysa dhanka dowladda laguna dagaalamayo mukhaadaraadka," ayuu yiri mid kamid ah dadka goobjoog ka ahaa khudbada wadaadka kaasoo la hadlay Garowe Online kana gaabsdey magaciisa sababo ammaan.

Ciidamadda ammaanka ee loogu talagalay in ay wax ka qabtaan kororka maandooriyaha ayaan xuquuqdooda u helin si dhameystiran. Xogta waxay tibaaxaysaa in Deni uu mushaharka ciidanka u leexiyey arrimo siyaasadeed gaar ahaan fulinta doorashada halka dhinac ah.

"Madaxweynaha waxa uu haatan ku sugan yahay Imaaraadka Carabta. Si uu isaga leexiyo tooshka dadweynaha, wuxuu bilaabay in uu la kulmo Jaaliyadda Puntland. Xalay waxaa uu joogay suuqa lagu magacaabo Al Ghurair Centre," ayay GO u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka dhiman yihiin ayaa dhowr jeer uu horey u tagay Imaaraadka Carabta waxa uu ka fogaadey in uu la kulmo dadka reer Puntland taasoo usoo jiidey dhaliil xooggan, waxaana kulamada uu hadda bilaabay isaga dajinayaan culeyskaas.

Saciid Deni ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxa uu isaga kala gooshay Boosaaso, caasimada Kenya ee Nairobi iyo Imaaraadka Carabta. Safaradan oo salka ku haya dhaqaajinta doorashada tooska ah ee halka dhinac ah ayaa sabab u noqdey in uu muddo badan ka maqnaado xarunta dowlada ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM

Iran oo beenisay in ay isku dayday in ay disho Trump

Iran ayaa sidoo kale horay u beenisay sheegashada Mareykanka ee ah in ay faragelin ku heyso arrimaha Mareykanka, oo ay ku jiraan howlgallo dhanka Internetka ah.

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 06:09PM