Putin: Ciidamada Ukraine ee go'doonsan waa inay is dhiibaan ama dhintaan

Image

Moscow — Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay go’doomiyeen askarta Ukraine ee ku harsan gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, halkaas oo ay ku sugnaayeen in ka badan toddoba bilood. Dagaalkan ayaa ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee colaadda ka socota gobolka.

Putin, oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Moscow, ayaa yiri in xaaladda Kursk ay tahay "mid gebi ahaanba ku jirta gacanteena, halka kooxdii duullaanka nagu soo qaadayna ay hadda ku go’doonsan tahay," sida ay werisay Reuters.

Ukraine ayaa bishii Agoosto ee la soo dhaafay weerar lama filaan ah ku qaaday Kursk, iyada oo isku dayaysay in ay ka jeediso ciidamada Ruushka furimaha hore, isla markaana ay hesho dhul ay ku beddesho gobollada ay Ruushku haystaan. Hase yeeshee, taliyaha ugu sarreeya ee Ukraine ayaa toddobaadkan beeniyay in ciidamadiisu la go’doomiyay.

Arbacadii, Putin ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay ciidamada Ruushka ee ku sugan Kursk, isaga oo faray in si degdeg ah dib loogu qabsado gobolka.

“Haddii go’doominta dhabta ah dhacdo maalmaha soo socda, cidna kama bixi doonto halkaas. Waxa kaliya ee u furan waa in ay is dhiibaan ama ay dhintaan,” ayuu Putin ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii, sida ay Reuters sheegtay.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’idka, Putin wuxuu sidoo kale muujiyay taageero xaddidan oo uu u hayo qorshaha xabbad-joojin ee Mareykanku soo jeediyay.

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM