Putin iyo Xi Jinping oo kulankii koowaad yeeshay tan iyo Febraayo

Image
Madaxwayneyaasha Ruushka iyo Shiinaha ayaa shirkooda uu u dhacay qaab aan horey looga baran.

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa kulan aad loo sugaayey ku yeeshay shir-madaxeedka magaalada Samarkand, Uzbekistan, ee Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO).

Labada hogaamiye ayaa kulmay Khamiistii iyadoo xiriirka Putin iyo Xi ay la leeyihiin reer galbeedka uu sii xumaadey sababo ku aadan duulaanka Moscow ee Ukraine iyo dhibaateynta militariga Beijing ee Taiwan.

Putin iyo Xi ayaa markii ugu dambeysay oo ay si fool ka fool ah isku arkaan waxay ahayd bishii Febraayo, iyagoo ballan qaaday in xiriirka Ruushka iyo Shiinaha uu noqon doono "mid aan xad lahayn".

Khamiisti, Xi ayaa Putin wuxuu ku tilmaamay "saaxiibkiisii ​​hore". Hadal-jeedintiisa kulanka ayaa codka laga jaray taasoo aan suurtagal ka dhigayn in la maqlo khudbadii uu shirka ka jeediyey.

Putin waxa uu fadhiistay meel masaafo dheer u jirta Xi. Wafuuda labadda dhinac ayaa ku hareereysanaa labadda hogaamiye. Qaabkan wuxuu Putin muddooyinkii dambe ku qaabilayey madaxda reer galbeedka.

Xogta China ayaa muujisay todobaadkan in Shiinuhu iibsanayo sahay tamareed oo qaali ah oo Ruushku leeyahay. Ruushku waxa uu noqday dalka Shiinaha ugu sareeya ee keena saliida laga bilaabo May ilaa Julaay.

Kulanka Putin uu la qaatay Xi ayaa daba socday ka qeybgalka ciidamada Shiinaha oo dhoolatus ballaaran oo ay la sameeyeen dhigooda Ruushka. Tababarka Vostok 2022 (Bariga 2022) ayaa lagu qabtay Bariga Fog ee Ruushka iyo Badda Japan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM