Putin oo aag laga ilaaliyo amniga Ruushka ka sameynaya xuduudda Ukraine

Image

MOSCOW – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Ruushka ay bilaabeen sameynta "aag amni" [security buffer zone] oo ammaanka dalkiisa lagu sugo, taasoo laga hirgelinayo xuduudda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.

"Waxaan horay u sheegay in go'aan laga gaaray sameynta aagga amniga ee muhiimka ah. Ciidamadeenna ayaa hadda ku hawlan hawshaas. Meelaha uu cadowgu ka soo rido gantaalada ayaa laga hortagayaa, shaqadu wey socotaa," ayuu yiri Putin.

Bayaanka madaxweynaha Ruushka ayaa yimid kahor isdhaafsiga maxaabiista ee Ruushka iyo  Ukraine, taasoo ka dhalatay wadahadallo fool-ka-fool ah oo labada dal ku yeesheen Turkiga toddobaadkii hore – markii ugu horreysay ee ay kulmaan saddex sano gudahood.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Yukrayn, Heorhii Tykhyi, ayaa ku tilmaamay qorshaha Ruushka "weerar gardarro ah", isagoo intaas ku daray in tani ay muujinayso in "Ruushku yahay caqabadaha dadaallada nabadda."

Madaxweyne Putin ayaa horey u sheegay suurtagalnimada sameynta “aagga amniga” intii uu booqanayay gobolka Kursk bishii Maarso. Khamiistii, intii uu la kulmayay xubno ka tirsan dowladda, ayuu mar kale xoojiyay qorshahaas isagoo sheegay in ay muhiim tahay in "wax walba oo lagu burburiyay xuduudda laga soo celiyo lagana dhiso mar kale."

"Waa in aan dadka caawinno si ay ugu soo laabtaan tuulooyinkoodii iyo deegaanadoodii. Marka ay suurtagal tahay, waa in aan dib u dhisno dhammaan kaabeyaasha gaadiidka iyo adeegyada kale," ayuu yiri Putin.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka, Madaxweynaha ayaa qorsheynaya kulan gaar ah oo looga hadlayo mashruucyada dib u dhiska ee xuduudda.

Dhanka kale, Khamiistii, gobolka Kursk ayaa markale la weeraray. Sida uu sheegay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee gobolka, 12 qof oo rayid ah – oo ay ku jiraan labo carruur ah – ayaa ku dhaawacmay weerar ay Yukrayn ku qaaday magaalada Lgov. Qiimeynta hordhaca ah ayaa sheegtay in afar baabuur, labo guri, iyo hal dhisme dabaq ah la waxyeelleeyay weerarkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM