Putin oo hoos-u-dhigay saameynta cunaqabateynta Mareykanka

Image
Sarre xoog leh ayaa laga dareemay qiimaha shidaalka gudaha waddanka Mareykanka.

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka, Putin, ayaa shaaca ka dhigay in cunaqabateynta Mareykanka aan waxba u dhimi doonin dhaqaalaha dalkiisa maadaama shidaalka ay ka iibsadaan uu dhan yahay 3% (saddex boqolkiiba).

Sare xoog leh ayaa laga dareemay qiimaha shidaalka gudaha Mareykanka, iyadoo uu 200 oo dollar ku korartay qiimaha halkii Foosto la iibin jiray taasoo ah kororkii ugu waynaa tan iyo sanadkii 2014-kii.

Dhanka kale, Hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa diiday in ay ka jawaabaan wicitaanada madaxweyne Joe Biden tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine.

Taas bedelkeeda waxay telefoonada ka qabteen dhigiisa Ruushka ee Vladimir Putin, sida ay saraakiil u sheegeen majaladda afka dheer ee The Wall Street Journal. Inta badan dalalka carabta waxay ka gaabsadeen in ay cambaareeyaan gulufka Moscow ee Kyiv.

Mutadhawaciin ayaa baaskiillo, jaakadaha qabowga iyo agabka ay caruurta ku ciyaaraan uga tagay xadka Poland si ay u adeegsadaan qaxootiga Ukraine ee kasoo qaxaya duulaanka Ruushka kaasoo sababay barakaca in ka badan hal milyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sawirada cusub oo dhanka dayax gacmeedka ah ayaa muujinaya guryo shacab, dhismayaal dowladeed, iyo goobo laga dukaamaysto oo ku burburay Mariupol ee dalka Ukraine kadib duulaanka cirka iyo dhulka ee milatariga Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu sheegay in uu si buuxda ugu qanacsan yahay "in Putin uu fashilmi doono, Ruushkana uu la kulmi doono guuldarro istiraatiji ah".

Diblomaasiga sare ee Ameerika ayaa xusay in ujeeddada Putin ay tahay in Ukraine ka hirgeliyo "nidaam calooshiis-u-shaqeyste ah," waxaan uu aaminsan yahay "inay aad u caddahay" jawaabta dadka Ukraine "oo ah in aysan aqbali doonin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM