Putin oo loogu hanjabay in la xirayo haddii uu tago Koonfur Afrika

Image
Madaxweynaha Ruushka ayaan wali kala caddeyn haddii uu booqasho ku tagi doono waddankan bisha August.

CAPE TOWN, Koonfur Afrika - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la xiri doonaa haddii uu cagta soo dhigo gobolka Western Cape ee Koonfur Afrika inta lagu guda jiro booqasho la filayo bisha Agoosto, sida uu sheegay hogaamiyaha gobolka.

"Putin wuxuu si joogto ah oo xoog leh u baabi'iyey xorriyadda dadka reer Ukraine iyo kuwa dalkiisa ee ku dhiirada inay mabda'a hor-istaagaan ficilladiisa arxan darada ah," ayuu yiri Alan Winde.

Winde waa hogaamiyaha mucaaradka ee xisbiga Dimuqraadiga Alliance (DA) oo maamula gobolka. Bayaan uu soo saaray ayuu hadalkan ku sheegay goor dambe oo Khamiis ah.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa bishii hore soo saartay amar lagu soo xirayo Putin oo la filayo inuu ka qeyb galo shirka BRICS ee ka dhacaya gobolka Western Cape.

BRICS waa dhowr dowladood oo dhaqaalahoodu soo korayo kuwaasoo ay ku jiraan Russia, Brazil, India, China iyo South Africa lana dagaalamaya waddanka Mareykanka.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay horaantii todobaadkii lasoo dhaafay in xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) uu go’aansaday inuu dalkaas isaga baxo maxkamada ICC. 

Hase ahaatee, xafiiskiisa warfaafinta ayaa isla markiiba waxa uu ka noqday faallooyinkaas isagoo sheegay inay khalad dhanka warfidiyeenadda ay ahayd Koonfur Afrikana ay sii ahaan doonto saxeexa heshiiskii Rome ee kamid noqoshadda maxkamada ICC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM