Qadar oo cabasho u gudbisay ururka Ganacsiga Caalamka

Image

Dowladda Qadar ayaa dacwad ka dhan ah xayiraadaha dhaqaale ee waddamada Khaliijka Carabta ay ku soo rogeen bishii June u gudbisay ururka ganacsiga caalamka ee WTO.

Is-bahaysiga uu ku jiro Sucuudigu ayaa xiriirka u gooyay Qadar kadib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto ururada argagixisada Caalamka, waxaana la galiyay go'doona dhan walba ah.

Arrintaas ayaa keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalah dalkaas oo kamid ahaa waddamada ugu hodansan Khaliijka.

Wasiirka dhaqaalaha iyo arrimaha ganacsiga ee Qadar, Sheekh Axmed bin Jasim ayaa sheegay in xayiraaddaasi dhanka ganacsiga ah ee ay Sucuudigu hormuudka ka tahay ay yihiin kuwo xadgudub ku ah qawaaniinta caalamiga ah ee Beec-mushtarka.

Wuxuu sheegay inaysan suuro gal ahayn in dhaqaalah Qadar go'doon la galiyo isagoo codsaday insi deg deg ah wax looga qabto tallaabadaas oo uu tilmaamay inay tahay mid aan loo dul qaadan karin.

Waddamada Carabta ee xayiraadahan ku soo rogay Qadar ayaa waxay haatan haystaan 60 maalmood oo ay tahay in ay ku xalliyaan cabashada Qadar.

Dowladahani Carabta ayaan wali ka jawaabin cabashada rasmiga ah ee Qadar, balse waxay horey ururkani ganacsiga caalamka ee WTO ugu sheegeen in arrimaha amniga waddamadooda ay qiil uga dhigayaan xayiraadahaasi ka dhanka ah dalka Qadar.

GAROWEONLINE+BBC

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM