Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay muhaajiriin laga musaafurinayo Tuniisiya

Image

NEW YORK - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa cambaareeyay "masaafurinta" muhaajiriin Afrikaan ah ay doonayaan hay’adaha ammaanka ee Tuniisiya in ay ka cayriyaan dalka.

Muhaajiriintan ku wajahan xuduudaha Liibiya iyo Aljeeriya, ayaa haatan ku xayiran saxaraha qaarna ay ku dhinteen, iyadoo Xoghayaha Guud uu ku baaqay in la badbaadiyo.

Afhayeenka Guteres Farhan Haq ayaa mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York wuxuu sheegay inay ka walaacsan yihiin muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee laga soo tarxiilay Tunisia lana geynayo xudduudaha Liibiya iyo sidoo kale Algeria.

Waxa uu intaasi ku daray in tiro muhaajiriin ah ay ku dhinteen xuduudka Libya, waxaana jira warar sheegaya in boqolaal qof oo ay ku jiraan haween uur leh iyo carruur ay weli ku go’doonsan yihiin xaalado adag, isla markaana aan helin cunto ama biyo.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si deg deg ah laga gaaro dadka ku go’doonsan xudduudaha, lana gaarsiiyo goobo ammaan ah oo lagu ilaalin karo, isla markaana ay heli karaan biyo ku filan, cunto, hoy iyo daryeel caafimaad.

 Afhayeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la ixtiraamo xuquuqda qaxootiga si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee ku saabsan xuquuda aadanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM