Qarax ka dhacay dalka Bahrain

Image

Qarax xooggan ayaa ka dhacay caasimadda dalka Bahrain ee Manama, kaasi oo lagu soo waramayo inuu sababay khasaarooyin kala duwan, sida ay Saraakiisha dalkaasi sheegeen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Bahrain ayaa cadaysay in qaraxa uu ka dhashay Bam la dhigay wado qarkeeda oo ku dhaw saldhig Boolis iyo xafiisyo dowladeed.

Dowladda Bahraini ayaa ku eedaysay qaraxa Koox Islaami ah oo gacan-saar la leh Iran, taasi oo qeyb ka ah qalalaasaha siyaasadeed iyo amni darrada dalkaasi ka jirta tan iyo 2011.

Dibaxbaxyo looga soo horjeedo dowladda Bahrain ayaa ka soconayo  dalkaasi kamid ah Wadamada Khaliijka mudo 5 sano ah, kuwaasi oo sii xoogeystay markii bishii lasoo dhaafay 3 nin oo shiico ah, oo lagu eedeeyay inay qarax ku dileen 3 Askari oo Boolis ah 2014.

Dowladda Iran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka ay wadaan, gaar ahaan dadka shiicada ah, oo doonayo inay afgenbiyaan Boqortooyada Sunniga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM