Qarax khasaare badan geystey oo ka dhacay xuduudka India iyo Pakistan

Image

November 3, 2014 (GO)- Ugu yaraan 55 qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan 150 kalena way ku dhaawacmeen qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xuduudka ay wadaagaan dalalka India iyo Pakistan.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa waxaa lala bartilmaameedsaday marinka Wagah ee ku dhow magaalada Lahore halkaasoo xadka labada dal isaga furan yahay dadkuna isaga gudbaan.

Wagah ciidamo labada dal ka kala tirsan ayaa ku sugan, waxaana maalin kasta ka dhaca dhoola-tus askarta India iyo Pakistan si wadajir ah usameeyaan oo lagu magacaabo "calan dejis", kumanaan qof ayaana usoo daawasho taga.

Xilligii qaraxu dhacayey waxay ahayd markii dhoola-tusku soo gaba gaboobay dadkuna isu diyaarinayeen inay xaafadahooda dib ugu noqdaan. Maadaama shalay Axad ahayd tirada daawadeyaashu way badneyn waana sababta keentay in khasaaruhu bato.

Dadka geeriyoodey iyo kuwa dhaawacmay oo caruur iyo dumar badani ku jiraan waxaa sidoo kale la xaqiijiyey inay kamid yihiin sideed qof oo hal qoys kasoo wada jeeda iyo dhowr askari.

Khasaaraha waxaa laga cabsi qabaa inuu intaas ka bato iyadoo wararkii ugu dambeeyey ee xarumaha caafimaadka ee Lahore laga helay sheegayaan in tirada dhimashadu sii marayso 66. Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay ururka TTP (Taalibaanka Pakistan).

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa weerarkaas ku tilmaamay fal waxashnimo ah isagoo ku goodiyey in kuwii soo abaabuley sharciga la hor keeni doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM