Qaxooti Soomali ah oo laga sii daayey xabsi ku yaalla Masar

Image

October 10, 2014 (GO)- Ugu yaraan sagaal qof oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa laga sii daayey gelinkii dambe ee shalay xabsi ku yaalla magaalada Alexandria ee ku taalla waqooyiga dalka Masar.

Dadkan oo dhallinyaro u badan lix kamid ahina dumar yihiin waxaa lasoo xiray labo asbuuc kahor xilli ay doonayeen inay xeebaha dalkaas dhanka Yurub uga sii tahriibaan.

Fardows Faarax Warsame oo kamid ah sagaalka qof ee dib xoriyadooda u helay ayaa sheegtay in sii deyntooda ay kaalin weyn ka qaadatay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga UNHCR.

Fardows waxay intaas ku dartay inay xabsiyada Masar weli ku xiran yihiin in ka badan sodon qof oo Soomaali ah dadkaasoo qaarkood laga soo qabtay xadka u dhexeeya Sudan iyo  Masar qaar kalena iyagoo doonaya inay ka tahriibaan xeebaha Masar gacanta lagu soo dhigay.

Bishii hore ee September ayaa sidan oo kale loo sii daayey 13 qof oo Soomaali ah, waxaana inay xoriyadooda helaan fududeeyey qareeno ay hay'adda UNHCR u qabatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM