Qaxooti Soomali ah oo laga sii daayey xabsi ku yaalla Masar

Image

October 10, 2014 (GO)- Ugu yaraan sagaal qof oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa laga sii daayey gelinkii dambe ee shalay xabsi ku yaalla magaalada Alexandria ee ku taalla waqooyiga dalka Masar.

Dadkan oo dhallinyaro u badan lix kamid ahina dumar yihiin waxaa lasoo xiray labo asbuuc kahor xilli ay doonayeen inay xeebaha dalkaas dhanka Yurub uga sii tahriibaan.

Fardows Faarax Warsame oo kamid ah sagaalka qof ee dib xoriyadooda u helay ayaa sheegtay in sii deyntooda ay kaalin weyn ka qaadatay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga UNHCR.

Fardows waxay intaas ku dartay inay xabsiyada Masar weli ku xiran yihiin in ka badan sodon qof oo Soomaali ah dadkaasoo qaarkood laga soo qabtay xadka u dhexeeya Sudan iyo  Masar qaar kalena iyagoo doonaya inay ka tahriibaan xeebaha Masar gacanta lagu soo dhigay.

Bishii hore ee September ayaa sidan oo kale loo sii daayey 13 qof oo Soomaali ah, waxaana inay xoriyadooda helaan fududeeyey qareeno ay hay'adda UNHCR u qabatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ninkii khalka ku buufiyay Ilhan Omar oo lagu xukumay 14 bilood oo xabsi ah

Omar wax dhaawac ah kama soo gaarin weerarka, waxaana ay sii wadatay kulankii dadweynaha kaddib markii ninka la xiray.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 05:38PM

Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen oo weerarro is-weydaarsaday

Weerarada cusub ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadaha u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ay mar kale sare u kacayaan.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 05:11PM