Qaxootiga Yurub oo lagu tilmaamay baranbaro

Image

Madaxa xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay, Zeeyd Racad Al-Xuseyn, ayaa kula taliyay dowladda Biriten inay wax ka qabato waxa uu ugu yeeray kicinta soogalooti naceybka warbaahinta Biriten.

Wuxuu soo xigtay maqaal dhawaan uu qoray wargeyska Sun kaasi oo ku tilmaamay muhaajiriinta baranbaro, wuxuuna sheegay in taa ay la mid tahay luuqadii ay adeegsadeen warbaahinta Ruwanda ka hor xasuuqii.

Al-Xuseyn ayaa ka digay luuqadda dagaalka ee loo adeegsado muhaajiriinta oo aaysan u adkeysan karin, wuxuuna sheegay inay mas'uuliyad ka saaran tahay dowladda Biriten sida ku xusan sharciga caalamiga iyo kan dalka inay wax ka qabato wixii naceyb kicinaya.

Xigasho: BBC

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM