Ra’iisul Wasaaraha Haiti oo ka badbaaday isku day dil

Image

Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa ka badbaaday isku day dil, xili uu ka qeyb-galayay munaasabadda xuska xorriyadda dalkaas oo Sabtidi ka dhacday waqooyiga dalkaasi, sida uu shaaciyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kooxo isugu jira "burcad iyo argagixiso" ayaa isku dayay in ay ku toogtaan ra'iisul wasaaraha kaniisad ku taal waqooyiga magaalada Gonaives, halkaas oo ay ka dhacaysay xaflada lagu xusayay sanadguuradii 218-aad ee xornimada.

Booliiska, oo weerarkii Sabtidii ku tilmaamay shaqada “kooxaha hubaysan,” ayaan ilaa iyo hadda xaqiijinin khasaaraha ka dhashay weerarka balse waxaa xusid mudan, dhacdada ka hor, madaxa burcadda deegaanka ayaa hanjabaado ka dhan ah Henry u jeediyay warbaahinta gudaha.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amar lagu soo xirayo la soo saaray eedeysanayaasha rasaaseeyay kolonyada RW Henry.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM