Ra'iisul Wasaaraha Hungary oo weerar afka ah ku qaadey Zelensky

Image
Viktor Orban ayaa dhaleeceeyay hogaamiyaha Ukraine markii uu ku guuleystay doorasho.

KYIV, Ukraine - Ra'iisul wasaaraha Hungary, Viktor Orban, ayaa markii afraad si aqlabiyad ah ugu guuleystay doorashadii guud ee dalka, sida ay muujinayaan natiijooyin hor dhac ah.

Xisbiga garabka midig ee Fidesz ayaa helay 53.1% codadka la tiriyay oo ah 98% tirada guud ee dadka codeeyay. Isbahaysiga mucaaradka ee uu hogaamiyo Peter Marki-Zay ayaa aad uga dambeeyay iyagoo helay 35%.

Mr Orban oo guushiisa ka dib khudbad jeediyay ayaa wuxuu dhaleeceeyay madaxda Brussels iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, isagoo ku tilmaamay inay yihiin "mucaarad".
 
Mr Zelensky ayaa marar badan kasoo horjeestay mamnuucida Mr Orban uu ku soo rogay in dalkiisa hubka loo soo mariyo Ukraine oo ay xuduud wadaagaan.
 
Si kastaba ha ahaatee, Mr Orban oo xiriir dhow la leh Moscow ayaa cambaareeyay duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine isagoo sidoo kale marti galiyey nus malyuun qaxooti ah tan iyo markii uu dagaalka billowday 24 Febraayo.
 
"Weligay ma aannu lahayn mucaarad intaas le'eg," ayuu yiri sida wakaaladda wararka ee AFP ay soo xigatay. Mr Orban waxa uu intaa ku daray in baaxadda guushiisa laga arki karo dayaxa iyo sidoo kale bartamaha Brussels.
 
Guushan ayaa noqon doontaa guushii afaraad oo xiriir ah ee xisbiga Fidesz tan iyo 2010 ka dib markii ay si rasmi ah u shaaciyaan guddiga doorashooyinka Hungary.
 
Xafiiska doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in Fidesz uu heli doono 135 kursi oo ah saddex-meelood labo meel kuraasta guud, isbaheysiga mucaaradka ayaa ayagana mar labaad heli doona 56 kursi sida lagu saleeyay natiijooyinka hor dhaca ah.
 
Mr Orban, oo ah 58 jir, waxa uu xiriir aan wacneyn la lahaa Midowga Yurub, kuwaas oo u arka in Fidesz uu wiiqay awoodda hay’adaha dimuqraadiga ah ee Hungary.
 
Mr Orban ayaa lagu dhaleeceeyaa in 12-kii sano ee uu xukunka hayay uu dib u habeyn ku sameeyay dastuurka dalka, maxkamadihii ugu sareeyayna uu u magacaabay shakhsiyaad uu isaga watay iyo in uu habka doorashada u bedelay qaab asaga faa’iido u leh.
 
Intii lagu guda jiray ololaha doorashada, oraahda mucaaradka ayaa ahayd  "Orban ama Yurub" taas oo ka dhigan haddii Orban uu soo laabto in xiriirka wadanka kala dhaxeeya wadamada kale ee Yurub uu sii xumaani doono.

Musharaxa mucaaradka ee Peter Marki-Zay ayaa ku dooday in Hungary ay ku biirto Poland, UK iyo kuwa kale si ay hub u geeyaan Ukraine iyo haddii loo baahdo in ay ciidamo u diraan Ukraine sida uu yahay qaab dhismeedka gaashaanbuurta NATO.
 
Mucaaradka ayaa ka cawday in Fidesz uu Hungary ka go'doomiyay guud ahaan Yurub, asagoo meesha ka saaray dimoqraadiyad la isku raacsan yahay, cadaalad iyo hufnaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM