Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida oo gaaray dalka Sacuudiga

Image

RIYADH - Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa maanta oo Axad ah gaaray dalka Sacuudiga, oo ku bixinaya safar saddex maalmood ah Bariga Dhexe, kaasoo ujeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee gobolka iyo Japan.

Kishida waxa uu kulamo la yeeshay mas'uuliyiinta Sucuudiga si kor loogu qaado xiriirka kala dhexeeya Boqortooyada ee qaybaha muhiimka ah sida tamarta, fursadaha ganacsi ee shirkadaha Japan.

Sacuudi Carabiya waxay sii wadi doontaa iskaashiga ay la leedahay Japan ee hydrogen-ka nadiifka ah iyo shidaalka dib loo warshadeeyay, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibada Boqortooyadda.

"Xiriirka aan la leenahay Japan ee dhinaca tamarta in ka badan 50 sano waa mid adag oo sii wadi doona koritaanka iyo kala duwanaanta," ayuu yiri Amiir Abdulaziz Bin Salman, oo ah wasiirka Tamarta Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga waxay Japan la saxeexatay 26 heshiis iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh, Wasiirka Maalgashiga Sucuudiga Khalid al-Falih ayaa sheegay sidaas.

"Japan waa dalka 3aad ee ganacsiga ugu weyn kala dhaxeeya Boqortooyada," wasiirka ayaa intaas hadalkiisa raaciyay. "Waxaan xoojin doonnaa iskaashiga aan la leenahay Japan ee dhinaca tamarta nadiifka ah."

Sacuudi Carabiya waa saaxiib ganacsi oo muhiim u ah Japan, iyaddoo Tokyo sii wadi doontaa inay la shaqeyso Boqortooyada si loo gaaro Hiigsiga 2023, ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Japan.

Safarka Sacuudiga waa kii ugu horeeyay oo hogaamiyaha Japan uu ku tago Bariga Dhexe tan iyo Janaayo 2020. Kishida ayaa lagu wadaa inuu gaaro Abu Dhabi, Imaaraadka, iyadoo ay ku xigto Qatar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM