Ra’iisul Wasaaraha Kanada iyo afadiisii oo muyaaradaha kala dalacdey
TORONTO, Canada - Ra’iisul Wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, iyo xaaskiisa Sophie ayaa kala tagaya kadib markii ay nolol wadaag ahaayeen muddo 18-sano xiriir ah.
Lamaanaha ayaa qoraal ay soo dhigeen Instagram ku sheegay in talaabadan ay salka ku hayso “is-maandhaaf soo kala dhex-galay” wallow aan la sharaxin.
Trudeau iyo Sophie ayaa is-guursadey sanadkii 2005 waxayna isku dhaleen saddex carruur ah.
Caruurtooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xavier oo 15-sano jir ah, Ella-Grace oo 14-jir ah, iyo waliba Hadrien oo sagaal sano jir ah.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in ay ka dalbanayaan dadweynaha in xogta ilmahooda la ilaaliyo.
Trudeau iyo Sophie ayaa waxa uu haasaawaha bilaabay sanadkii 2003-kii xilligaas oo haweeneyda ay ahayd shaqaale ka tirsan TV maxali ah.
Sidoo kale, haweeneyda ayaa waxa ay ahayd samafale ka shaqeysa arrimaha caafimaadka dhimirka iyo daadejinta cuntada.
GAROWE ONLINE