Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo markii saddexaad laga helay Covid-19

Image
Shehbaz Sharif ayaa horey waxaa uu ugu dhacay fayruskan bilihii Janaayo iyo Juun ee sanadkii 2020.

ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa laga helay cudurka 'Coronavirus', sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu warbaahinta la wadaagtay wasiirka warfaafinta waddankaas.

Marrium Aurangzeb ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in ra’iisul wasaaruhu uu dareemayay caafimaad darro labadii maalmood ee la soo dhaafay lagana helay cudurka kadib markii laga baarey.

Aurangzeb oo tibaaxdey in xaalada wasiirka koowaad ay dagan tahay ayaa waxay ka codsatay shacabka iyo shaqaalaha xisbiga inay ugu duceeyaan inuu caafimaad deg-deg ah helo.

Tani waa markii seddexaad ee ra'iisul wasaaraha la baarayo lagana helo fayraska. Waxaa horey looga helay fayruska COVID-19 bishii Janaayo, iyo bishii Juun ee sanadkii 2020.

Shariif oo xafiiska yimid markii xilka laga qaadey Imran Khan ayaa dalka dib ugu soo laabtay Isniintii kadib booqasho qaas ah oo uu ku tagay London oo qaadatay shan maalmood.

Waxa uu todobaadkii hore gaaray caasimadda Ingiriiska ka dib markii uu ka qayb galay shirkii COP27 ee ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar.

Khan ayaa dhowaan wuxuu ku eedeeyay Shariif in uu mas'uul ka yahay isku-day la doonayay in lagu khaarijiyo ka gadaal markii lugta laga dhaawacay isaga oo banaanbax weyn kula hadlaya jamaahiirtiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM