Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk oo Wajahayaa Codka Kalsoonida kadib Guuldarro Doorasho 

Image

WARSAW, Poland – Juun 11, 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa Arbacada maanta ah wajahaya codka kalsoonida ee baarlamaanka, maalmo un kadib guuldarro uu la kulmay musharaxiisa doorashadii madaxtinimada ee dhawaan dhacday.

Codka kalsoonida oo uu isagu dalbaday, ayaa kusoo beegmaya iyadoo musharraxa midigta xagjirka ah Karol Nawrocki, oo ay taageeraysay xisbiga mucaaradka ee Law and Justice (PiS), uu si dhuun ah uga badiyey musharaxa xisbiga Tusk, Rafal Trzaskowski. Nawrocki ayaa sidoo kale helay taageerada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Tusk ayaa ku dhawaaqay in codka kalsoonidu noqon doono “furitaan cusub,” isagoo sheegay in xisbigiisu uu diyaar u yahay caqabadda, uuna fahamsan yahay khatarta taagan.

“Ma dooneyno inaan hal tallaabo dib u noqono,” ayuu yiri Tusk.

Ujeeddada Tusk ee codka kalsoonida ayaa ah inuu mideeyo taageerada uu u hayo isku-xirkiisa siyaasadeed ee Yurubta taageera, xilli dowladdiisu ay wajahayo cadaadis ku saabsan guuldarrooyinka isbeddelada sharci ee muhiimka ah.

Xukuumadda Tusk ayaa doonaysay inay ka noqoto dib-u-habayntii garsoorka ee ay sameysay xukuumaddii hore ee PiS, kuwaas oo Midowga Yurub uu ku tilmaamay inay daciifinayaan dimuqraadiyadda iyo xuquuqda haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay.

Si kastaba, dadaalladaasi waxaa hor istaagay madaxweynihii xilka ka tagay Andrzej Duda, waxaana la filayaa in Nawrocki uu sii wado siyaasadahaas ad-adag.

Tusk, oo xafiiska yimid bishii Diseembar 2023, ayaa lagu eedeeyay in dowladdiisu aysan wax isbeddel muuqda ah ka hirgelin dalka, inkasta oo ay haystaan aqlabiyadda baarlamaanka. Waxyaabaha lagu dhaleeceynayo waxaa kamid ah ku guuldareysiga wax ka beddelka sharciyada la xiriira xaquuqda dumarka, gaar ahaan xuquuqda xagga uurka (abortion rights).

Tusk ayaa hadda doonaya in codkan kalsoonida uu xoojiyo xukuumaddiisa, balse mucaaradka iyo taageerayaasha PiS ayaa isha ku haya in Tusk uu ku guuldareysto hirgelinta isbeddelada uu ballanqaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM