Ra'iisul wasaaraha UK oo la ganaaxay lagana dalbadey is-casilaad
LONDON, Britain - Booliska Boqortooyada Ingiriiska ee Metropolitan ayaa ganaaxay Raysal Wasaaraha dalka, Boris Johnson iyo wasiirkiisi maaliyadda Rishi Sunak iyagoo ku eedeeyay in ay jabiyeen shuruucda xanibaada ee caabuqa Corona kaas oo isla dowladdiisa ay soo rogtay.
Ganaaxan ayaa daba socda ka dib markii ay ka qayb galeen xaflad xilligii ay jireen xayiraadda Covid-19 kuwaas oo ka dhacay xarumaha looga arrimiyo dowladda Ingiriiska ee loo yaqaano Number 10 Downing Street iyo White Hall sannadihii 2020 iyo 2021.
Muwaadiniinta Ingiriiska ayaa loo ogoleyn in ay ka baxaan guryahooda ama isbooqdaan marka kale laga reebo iney soo dukaameystaan. Sida ay qortay warbaahinta, Boris Johnson ayaa noqonaya Rasul Wasaarihii ugu horeeyay Boqortooyada Ingiriiska oo lagu helo xadgudubyo sharci isagoo wali xilka haya.
Boris Johnson ayaa qirtay in uu ku guuldareystay fullinta shuruucdii ay isaga iyo dowladiisu ku amreen muwaadiniinta inay u hogaansamaan, isagoo caddeeyay inuu aqbalay go’aanka booliiska ay ku ganaxeen isaga iyo tiro kale oo ka tirsan dowladiisa.
Raysalwasaaraha UK ayaa marar badan iska diiday inuu ka qeybgalay wax xafladdo ah xilligii ay ay jireen xayiraadaha Corona Virus, waxaana suurtagal ah in ganaaxyo kale ay booliiska ku soo rogaan, madaama ay jiraan xafladdo kale oo ay suurtagal tahay inuu Raysal Wasaaraha ka qeybgalay xilli ay sharci darro ahayd in la qabto isku imaatin noocaas oo kale ah ayay yiraahdeen siyasiinta Ingiriiska oo dhacdadan ka hadlay.
Dadka la ganaaxay waxaa sidoo kale ka mid ah xaaska Raysal Wasaraaha, Carrie Johnson. Xisbiyada mucaaradka ayaa isla markiiba dareenkooda ka muujiyey ganaaxa ay booliiska ku rideen Raysal Wasaare Boris Johnson, iyagoo ku cambareeyay inuu marin habaabiyey shacabka oo uu ku soo rogay shuruuc aanay dowladiisa iyo isaguba ku dhaqmin.
Urur ay ku mideysanyihiin ehelada dadkii u geeriyooday cudurka Corona ayaa sheegay in aysan jirin sabab uu Raysal Wasaaraha ama wasiirkiisa maaliyada ay shaqadooda ugu sii wadan karaan iyagoo ku tilmaamay ficilladooda "kuwo aan xishood lahayn".
Xubnaha Barlamaanka UK oo hadda fasax ku maqan ayay xisbiyada mucaaradka ku baaqeen in si deg deg ah fasaxa uga soo noqdaan si ay xildhibaanada su’aalo u weydiiyaan RW Boris Johnson, iyagoo ugu baaqeen in uu si deg deg ah isku casilo.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha, Keir Starmer ayaa sidoo kale si adag ugu soo jeediyay xubnaha la ganaaxay inay xilka baneyaan.
Lama oga in ganaaxa lagu soo rogay Raysal Wasaaraha iyo golihiisa wasiirada ay horseedi doonto in ay is-casilaan iyadoo durbaba ay soo ifbaxayaan culayska uu ganaaxa Booliska saaray mustaqbalkooda siyaasadeed.
GAROWE ONLINE