Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka dagay Imaaraadka Carabta

Image
Image
Image
Xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Itoobiya ayaa fahfaahiyey socdaalkan.

ABU DHABI, UAE - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta.

Sidda uu sheegay xafiiskiisa, Abiy waxaa ujeedka socdaalkiisa uu yahay in uu wadahadalo ku aadan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Itoobiya iyo dalka qaniga ku ah Saliidda.

Imaaraatka Carabta ayaa la rumeysan yahay in ay saaxiib dhow la yihiin Xukuumadda Abiy ee colaadda ka shiday waqooyiga waddankaas gaar ahaan gobolka xasaasiga ah ee Tigray.

Warar kala duwan waxay sheegayaan in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraatka Carabta ay dowladda Imaaraadka ka caawiyeen xukuumadda Abiy aXMED inay dib u riixdo jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ka dib markii ay ku soo dhaqaaqeen Addis Ababa. Caasimada Itoobiya, sanadkii hore.

Qoraal kooban oo uu soo dhigayTwitter-ka, xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaareen magaalada Abu Dhabi ayna la kulmeen Dhaxal-sugaha Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed Al Nahyan oo sidoo kale ah hogaamiyaha dhabta ah ee Abu Dhabi. Dhabi.

"Ra’iisul Wasaare @AbiyAhmedAli iyo wafdigiisa ayaa safar shaqo oo rasmi ah ku tagay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyan oo ay ka wada hadleen arrimo quseeya labada dal," ayaa lagu yiri Twitter-ka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhankiisa, Abiy ayaa yir "Waxaan aad ugu mahadcelinayaa walaalkay, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan MohamedBinZayed soo dhawaynta diiran ee naloo qaabilay aniga iyo weftigayga".

Wasiirka koowaad ayaa daaha ka rogay in labada dhinac "ay ka wadahadleen arrimaha labada dal, kuwa gobolka iyo sidoo kale inay sahamiyeen siyaabaha lagu sii xoojin karo xiriirkeena".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM