Ra'iisul Wasaare raaligelin siisey Xildhibaan ay aflagaadeysay

Image
Codka la sheegay in uu gafka ahaa ayaa waxaa duubay makarafoonada taasoo buuq dhalisay.

LONDON, United Kingdom - Ra'iisul Wasaaraha waddanka New Zealand Jacinda Ardern ayaa waxay raaligelin ka bixisay aflagaado ay u geysatay Xildhibaan mucaarad weyn ah xilli ay ka hadleysay baarlamaanka.

Hadalada lagu tilmaamay in ay "gardaro" ahaayeen waxaa laga maqlay makarafoonada kadib markii David Seymour, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ACT, uu su'aal uu weydiiyay Ardern.

Mr Seymour oo mowqif adag iska taagay dhawaqa ra'iisul wasaaraha ayaa ka soo horjeestay hadalkaas, wuxuuna ka codsaday afhayeenka Aqalka Sare in uu dibada u baxo.

Ms Ardern - oo xisbigeedu uu dib uga dhacay doorashooyinkii 12-kii bilood ee la soo dhaafay - ayaa kadib carada mudanaha waxa ay sheegtay in ay raaligelin ka bixisay qadafka ka dhacay.

Dood kulul oo dhacday Talaadadii shalay, Mr Seymour ayaa mar kale wuxuu wajahay ra'iisul wasaaraha isaga oo ka codsaday inay siiso tusaale ah "inay khalad samaysay iyo raaligelin u bixisay si sax ah".

Jacinda Ardern ayaa ammaan caalami ah ku heshay jawaabta adag ee ay ka bixisay masiibada 'Covid', waxayna ku riyaaqday qiimeyn heersare ah inta badan labadii xilli ee ay xafiiska joogtay.

Hase ahaatee iyadoo New Zealand la filayo inay ka dhacdo doorashada dabayaaqada 2023, Ms Ardern waxa ay la kulmeysaa cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya.

Codbixintii ugu dambaysay ee ra'yi ururinta dadweynaha ayaa waxay muujisay in xisbiga Labour-ku uu ka horeeyo xisbiga ugu weyn dhanka mucaaradka ee National ku dhawaad shan dhibcood boqoley ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM