Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo lugta laga dhaawacay

Image
Saaxiibadiisa siyaasadda ayaa falkan waxay ku qeexeen "isku-day la doonayay in lagu khaarijiyo".

ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul Wasaarihii hore ee waddanka Pakistan, Imran Khan, ayaa waxaa laga toogtay lugta, kaddib markii lagu weeraray dibadbax uu ka socday magaalada Wazirabad ee bariga dalkaas.

Ma cadda in siyaasiga si ula kac ah loo beegsaday, sida uu sheegay mid ka mid ah gacanyarayaashiisa sare, iyo haddii ay ku dhacday rasaas aan loo meel dayin. Xubno ka tirsan xisbigiisa PTI ayaa sheegay in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen toogashada.

Mr Khan oo 70 jir ah ayaa hogaaminayay isu-soo-baxa ka dhacay caasimada Islamabad si uu u dalbado doorashooyin degdeg ah kadib markii xilka laga tuuray bishii April.

Ra'iisul wasaarihii hore ayaa la arkayay iyadoo loo sii qaadayo isbitaal ku yaalla magaalada Lahore. Afhayeen u hadlay xisbiga ayaa sheegay in xabadda looga dhuftay kubka.

Hogaamiye kale oo isla xisbiga ka tirsan ahna wasiirka caafimaadka ee gobolka Yasmeen Rashid ayaa sheegay in Mr Khan uu xaaladiisu wanaagsan tahay. Eedeysane aan magaciisa la sheegin ayaa markii dambe la xiray, sida uu tabiyey TV-ga Geo TV ee Pakistan.

Ra'iisul wasaaraha hadda xilka haya Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyay toogashada, wuxuuna amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo. Mr Khan ayaa hogaaminayay mudaaharaadyo waaweyn iyo kii labaad oo sanadkan ah – todobadii maalmood ee lasoo dhaafay, isagoo ku baaqayay doorashooyin cusub.

Dowladda ayaa marar badan ku celcelisay in ay doorasho qaban doonto sanadka soo socda, sida qorshuhu yahay. Bishii hore, guddiga doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka reebay inuu qabto xafiis dowladeed, kiis uu ku tilmaamay ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka inuu ahaa mid siyaasadeysan.

Waxaa lagu eedeeyay in uu si qaldan u shaaciyay tafaasiisha hadiyadaha madaxda ajnabiga ah iyo lacagaha ka soo xarooda iibintooda. Hadyadaha waxaa ka mid ahaa saacadaha Rolex, giraan iyo katiinado.

Pakistan waxay leedahay taariikh dheer oo rabshado siyaasadeed oo dhimasho badan dhaliyay. Kiiskii ugu caansanaa, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Benazir Bhutto ayaa lagu dilay isu soo bax dadweyne sanadkii 2007-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM