Ra'iisul Wasaaraha Yahuuda oo dacwad lagu soo oogey

Image

TEL AVIV-YAFO, Israel – Dacwad-oogaha guud ee Yahuuda, Avichai Mandelblit, ayaa wuxuu dacwad kusoo oogay ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Sidda ku xusan gal-dacwadeedka, Netanyahu ayaa waxaa loo haystaa laaluush bixin, wax is-dabamarin iyo been sheegid.

Mandelblit ayaa ku adkeystay "go’aankeena aadka loosoo karkariyey wuxuu ku saleysan yahay caddeymo sal-fadhiye leh".

Dhinaca kale, eedeysane Benjamin Netanyahu oo iska diidey eedeymaha loo tiiriyey ayaa carabka ku adkeeyay "aniga wax khalad ah ma sameyn".

Netanyahu oo dacwadda laga gudbiyey ku qeexay "been abuur siyaasadeysan" ayaa xusay "in ay soo dhoodhoobeen mucaaradkiisa dowladda ku jira".

"Waxa socda waa isku day la doonayo in lagu inqilaabo ra'iisul wasaaraha," ayuu tibaaxay. "Mana is-casili doono wax kasta oo dhaca," ayuu ku daray.

Dacwadda ayuu kaga falceliyey muuqaal socday 15-daqiiqo oo uu soo duubay saacado kadib markii dacwadda lagu dhawaaqay.

"Waan sii wadi doonaa in aan hogaamiyo dalka," ayuu ku yiri warqad uu kaga jawaabay dacwadda. "Ma ogolaanayo in been layga guuleysto".

Netanyahu, oo siyaasadiisu tahay midigta fog, ayaa xukunka haya tan iyo 2009-kii, waana ra'iisul wasaarihii ugu xil-heynta badnaa taariikhda Yahuuda.

Eedeymahan ayaa imaanaya xili uu wajahayo jahwareer siyaasadeed oo gudaha ah maadaama markii saddexaad ku fashilmay dhismaha dowlad wadaag ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM