Ra'iisul Wasaarihii ugu xilheynta dheeraa aduunka oo geeriyooday

Image

MANAMA, Baxreyn – Ra'iisul wasaarihii Baxreyn ayaa Arbacada maanta ah wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaala Mareykanka isagoo 84-sano jir ah, sidda ay ku dhawaaqdey Maxkamadda Boqortooyadda waddankaas.

"Sidda uu faray boqor Hamad bin Isa Al Khalifa, Maxkamada Boqortooyada waxay u baroor-diiqeysaa Amiir Khaliif bin Salmaan Al Khaliifa, ra'iisul wasaaraha, oo subaxaan ku geeriyooday Mayo Clinic Hospital gudaha Mareykanka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamada oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee dowladda Baxreyn – BNA.

Sidda ku xusan bayaanka, duugta wasiirkii koowaad waxaa lagu qaban doonaa gudaha Baxreyn iyadoo ay ka qeybgeli doono tirro oo qoyskiisa ah sababo ku aadan safmareenka khatarta ah ee Coronavirus.

Warka qoraalka ah ayaanan lagu caddeyn sababta keentay geerida marxuumka. Balse, waxaa la wariyey in uu xanuunsanaa maalmihii dambe.

Dalkan dhaca gacanka Khaliijka ayaa ku dhawaaqay muddo hal todobaad ah oo loo baroor-diiqayo marxuumka isla markaana hoos loo dhigayo calanka. Xarumaha dowladda waxaa la xiri doonaa muddo saddex maalin.

Kumuu ahaa Khaliif bin Salmaan Al Khaliifa?

Qaar kamid ah hogaamiyeyaasha caalamka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Amiirka, iyagoo bedel wanaagsan u rajeeyay qoyskiisa iyo Qarankiisa.

Al Khaliifa oo aad loogu yaqaanay hantida faraha badan ee leeyahay ayaa xilka Ra'iisul Wasaaraha qabsaday markii Baxreyn ay xorriyadeeda kala soo noqotay Ingiriiska bishii August sanadka markii uu ahaa 1971-dii.

Xilli aabihii uu laba qarni xukumayey Baxreyn intii ay ku hoos jirtay gacan-ku-haynta UK, Al Khaliifa wuxuu ahaa shaqsiga kaliya ee Ra'iisul Wasaare ka noqdey Jaziiradaas yar tan iyo markii ay noqotay waddan xor ah.

Dadka taageersan waxay sheegeen in uu casriyeeyay nidaamka maaliyadda Baxreyn, halka mucaaradkiisa ay ku dhaleeceeyeen qaabka arxan darada ah ee uu ula tacaalayey dibad-baxayaashii Gugii Carabta 2013-kii.

Si kale hadii loo dhigo, Al Khaliifa oo qoyskiisa ay muddo xukumayaa dalkaas wuxuu noqonayaa Ra'iisul Wasaarihii ugu xilheynta dheeraa aduunka, wuxuuna gacansaar dhow la lahaa Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UNICEF oo Ka Digtay Saamaynta Ba’an ee Dagaalka Lubnaan Ku Yeeshay Carruurta

Raysal Wasaaraha xilka sii haya ee Lubnaan, Najib Mikati, ayaa Arbacadii…

  • Caalamka

    31-10-2024

  • 08:16PM

Israa'iil oo lagu cambaareeyay xayiraad ay saartey hay'adda UNRWA

UNRWA waa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

  • Caalamka

    29-10-2024

  • 07:20AM