Rayid ku dhamaadey duqeyn ka dhacdey dalka Suuriya
DIMISHIQ, Suuriya – Ugu yaraan 13 qof, oo ay ku jiraan lix carruur ah, ayaa lagu dilay howlgal gaar ah oo ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee ay gacanta ku hayaan fallaagada Suuriya, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiil caafimaad.
Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday dhismo ku yaalla Atmeh, oo ah magaalo ay dadku ku badan yihiin oo ku taal waqooyi-galbeed ee Suuriya una dhow xudduudda Turkiga, halkaas oo ay ku nool yihiin tobanaan kun oo qof oo ku barakacay dagaalka tobanka sano ah ee dalkaas ka socda.
Ilaa hadda ma jiro war ku saabsan cidda ay yihiin dadka ku nool dhismaha. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in bartilmaameedku uu ahaa dagaalyahan taabacsan Al-Qaacida.
“Waxaan ku soo toosnay 1-dii habeenimo dhawaqa diyaaradaha helikobter-ka… ka dibna abbaaro 3-dii aroornimo waxaan maqalnay weerarro aad u badan,” Abu Fahed al-Homsi, barokacayaal Suuriyaan ah oo ku nool meel ka durugsan bartilmaameedka, ayaa u sheegay Telefashinka Al-Jazeera maanta oo khamiis ah.
"Waxaan aragnay guri la beegsaday oo burburay dhamaantiis, laakiin weli wax fikrad ah kama hayno waxa socda."
Mahmoud Chehadi, oo isna ku nool meel u dhow goobta la beegsaday, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay isku gadaameen dhismaha la beegsaday, waxayna isticmaaleen cod baahiyeyaal ay ugu baaqeen dadka deegaanka in ay isaga baxaan goobta.
"Markii uu howlgalku dhammaaday, waxaan tagnay aagga, waxaana aragnay haweeney sida muuqata qarxisay jaakadda qarxa, gudaha dhismaha, waxaan ku aragnay qaar ka mid ah maydadka, oo ay ku jiraan Caruur," ayuu u sheegay Aljazeera.
Difaaca madaniga ah ee Suuriya, oo ah koox samatabbixin ah oo iskaa wax u qabso ah oo ka hawlgala qaybo ka mid ah fallaagada Suuriya ee loo yaqaan Koofiyadaha Cad, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay ugu yaraan 13 qof oo ay ku jiraan afar dumar ah.
Dhaqdhaqaaqayaasha deegaanka iyo dadka deegaanka oo ay soo xiganayeen wakaaladaha wararka ayaa sheegay in dagaalyahanada deegaanka ay isku dhaceen ciidamada Mareykanka.
Pentagon-ka ma aysan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan weerarka, balse, bayaan ay soo saartay, waxay ku sheegtay "Howlgalka uu ahaa mid guul leh".
"Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka ka amar qaata taliska dhexe ee Mareykanka ayaa fiidnimadii caawa howlgal ka dhan ah argagixisada ka fuliyay waqooyiga galbeed ee dalka Suuriya,” ayuu yiri xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka John Kirby.
"Ma jirin wax khasaare ah oo Maraykan ah ka soo gaaray howlgalka. Macluumaad dheeraad ah ayaa la bixin doonaa marka la helo."
Gobolka Idlib ee ku yaalla waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya ayaa ah goobtii ugu dambeysay ee fallaagada ay gacanta ku hayaan dalka uu dagaalku ka socdo, inta badan waxaa gacanta ku haya hay'et Tahrir al-Sham oo hore uga tirsanaan jirtay Al-Qaacida.
Hawlgallada isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee ka dhanka ah hadhaadiga ISIL (ISIS) ee unugyada hurdada ayaa ku soo noqnoqda waqooyi bari Suuriya, oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Kurdiyiinta ee Dimuqraadiga ah ee Suuriya.
Muddo sanado ah, ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u adeegsan jiray in ay dilaan saraakiisha ugu sarreysa Al-Qaacida ee waqooyiga Suuriya, halkaas oo kooxda dagaalyahannada ah ay noqdeen kuwo firfircoon intii uu socday dagaalka oo ku billowday kacdoon ballaaran oo ka dhan ah Madaxweyne Bashaar Al-Asad balse si degdeg ah isu beddelay colaad buuxda.
GAROWE ONLINE