Rayid ku dhamaadey gantaal lagu weeraray xero barakacyaal

Image
Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in dadka waxyeeladda soo gaartey ay ku jiraan caruur.

DIMISHIQ, Suuriya - Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ciidamada dowladda Suuriya ay beegsadeen teendhooyin ay degan yihiin qoysas barakacayaal ah oo ku yaalla gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed ee fallaagada ay maamulaan.

Ciidamada dawladda ayaa waxay ku rideen ilaa 30 gantaal xerada Maram Axaddii, halkaas oo ay ku dileen lix iyo 25 dhaawac, sidda ay sheegtay hay'adda kormeerta dagaalka ee Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay UK.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa afar duullaan ku qaaday galbeedka Idlib, sida ay sheegtay SOHR, taasoo diiwaangelinaysa rabshadaha Suuriya tan iyo markii uu kacdoonku billowday 2011-kii.

"Iyaga oo ka jawaabaya weerarkaas, dagaalyahannada fallaagada waxay madaafiic iyo gantaallo la beegsadeen fariisimaha dawladda ee aagga Saraqeb, ee bariga Idlib, iyo bannaanka al-Ghab," ayay raacisay.

Weerarada ayaa ah jebintii ugu dambeysay ee xabbad joojintii bishii Maarso 2020 ee u dhaxeysay Ruushka iyo Turkiga oo soo afjartay duullaankii dowladda Ruushka ay taageerto ee gobolka Idlib - oo ah goobtii ugu dambeysay ee ay fallaagada gacanta ku hayso ee Suuriya.

Xabbad joojinta ayaa si isdaba joog ah loo jebiyay labadii sano ee la soo dhaafay. Bishii Luulyo, toddobo qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan afar carruur ah oo ka soo jeeda hal qoys, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Ruushku ka geystay Idlib.

Dagaalka Suuriya ayaa billowday 2011 ka dib markii dowladdu ay si xun uga jawaabtay dhaqdhaqaaqa mudaaharaadyada ee dalkaas. Boqolaal kun oo qof ayaa la dilay halka kala bar dadkii dalka ee dagaalka ka hor oo ahaa 23 milyan ay barakaceen, sidda ay sheegtay Qaramadda Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM